Guddoomiyaha Dalladda Ururada Bulshada Rayidka Ah Ee SONSAF Oo Daah-furay Kulan Lagaga Hadlayay Doorka Dhalinyara Ee Saaxadda Siyaasadda Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Dalladda Ururada Bulshada Rayidka Ah Ee SONSAF Oo Daah-furay Kulan Lagaga Hadlayay Doorka Dhalinyara Ee Saaxadda Siyaasadda Somaliland.
May 17, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Guddoomiyaha Dalladda Guud ee Jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF Md. Anwar C/raxmaan Warsame ayaa maanta magaalada Hargaysa ka furay kulan muhiim ah oo loo qabtay dhalinyarada,kaas oo ku saabsanaa doorka dhalinyarada ee saaxadda siyaasadda iyo kaalinta muhiimka ah ee ay dhalinyaradu ku leedahay siyaasadda dalka.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay dalladda SONSAF iyada oo kaashanaysa dalladda dhalinyara Somaliland ee SONYO ayaa guddoomiyaha SONSAF Md.Anwar Warsame oo munaasibada hadal ka jeediyay waxa uu sharraxaad iyo faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay kaalinta muhiimka ah ee dhalinyaradu ku leedahay siyaasadda iyo sida loogu baahanyahay in da’yarta la siiyo jaanis ay kaga qayb-galaan saaxadda siyaasadda si ay usoo bandhigaan aqoontooda islamarkaana ugu adeegaan bulshadooda.

Guddoomiyaha oo madasha ka hadlayay ayaa yidhi:-

“Farxad bay ii ahayd in aan maanta daahfuray kulan ku saabsan doorka dhalinyarada ee saaxadda siyaasadda Somaliland.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay dalladda SONSAF oo kaashanaysa Dalladda guud ee dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo ka mid ah xubnaha ku bahoobay Dalladda SONSAF, ayaa lagaga hadlay sida dhalinyarada oo ah cududda ugu muhiimsan ee qaranku leeyahay ay qayb muuqata uga qaadan lahaayeen saaxadda siyaasadda Somaliland lagu jaangooyo.

Somaliland waxa ay ku nasiib badan tahay in ay tahay Waddan dadkiisu da’yar yihiin (Young population) boqolkii 75% ayaa dadka reer Somaliland ka yar 35 jir. Waa mujtamac balaadhan oo ay daruuri tahay in ay qayb ka noqdaan hannaanka lagu jaangooyo talada waddanka.

Dhalinyarada Somaliland waxa aan ku dhiirigeliyay in ay aqoontooda horumariyaan, xuquuqdooda si wadajir ah u raadsadaan, waayaha iyo duruufaha noloshana samir iyo adkaysi kaga gudbaan.

Guddoomiyaha Dalladsa SONSAF Anwar Warsame

COMMENTS
LINKS