Wefti Ka Socda Dalka Maraykanka Oo Soo Gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wefti Ka Socda Dalka Maraykanka Oo Soo Gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland.
August 11, 2022 - Written by Editor:

Hargeysa(W.N)-Weftigan ballaadhan oo ka socda dalka Maraykanka ayaa maanta soo gaadhay Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu booqashada safarkoodu qaadan doonaa in muddo ah iyaga oo kulamo muhiim ah la qaadan doona madaxda sarsare ee dalka, ka dibna safarro ku gaalaa bixin doona qaybo ka mid ah gobolada dalka.

Waxaana weftiga ku soo dhaweeyey madaarka caalamiga ah ee Egal International Airport, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane, Maxamed Cabdilaahi Ducaale oo ay weheliyaan Wakiilka Jmahuuriyadda Somaliland ujooga dalka Maraykanka Amb. Bashiir Sheekh Cumar Good, Maareeyaha Madaarada Somaliland, Mudane Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan iyo madaxa machadka xalinta khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeisa, Mudane Naasir Maxamed Cali.

Waxaanay weftigu qadar nasasho ah ku qaateen qolka martida ee madaarka Egal, waxaana loo gelbiyey goobtii loo cayimay inay ka degaan caasimada.

COMMENTS
LINKS