Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar Oo Baaq Culus Udiray Xisbiyada Mucaaridka Iyo Xukuumada, Kana Digay In khilaafka Udhexeeyaa Uu Soboba Somaliland In La Keeno Ciidamo Shisheeye. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar Oo Baaq Culus Udiray Xisbiyada Mucaaridka Iyo Xukuumada, Kana Digay In khilaafka Udhexeeyaa Uu Soboba Somaliland In La Keeno Ciidamo Shisheeye.
August 13, 2022 - Written by Editor:

BOORAMA(W,N)-Sheekhul baladka magaalada boorama Sheekh Cabdilaahi sheikh cali jawhar oo kamid ah culimada waawayn ee Somaliland ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee udhexeeya xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka iyo khasaarihii ka dhashay mudo haraadkii ay dhigeen xisbiyada mucaaridka ee ay ku dhinteen dadka shacabka ahi.

Sidoo kale sheikh cabdilaahi ayaa xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada ugu baaqay in ay xaalada dejiyaan islamarkaana ay kusoo noqdaan miiska wada hadalada isagoo ka digay in khilaafka udhexeeyaa uu Somaliland dib ugu celiyo meel aanay kazoo kaban Karin

Dhanka kale sheikh cabdilaahi sheikh cali jawhar ayaa gudoomiyayaasha golaha guurtida iyo wakiilada ugu baaqay in ay dhex galaan xukuumada iyo mucaaridka islamarkaana ay xaalada kusoo celiyaan mid caadiya laga baaqsado banana baxyo danbe oo ay dhigaan xisbiyada mucaaridku.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

 

COMMENTS
LINKS