Dimuqraadiyaddu Ma Danteennaa?W/Q; Ayaanle. Amir. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dimuqraadiyaddu Ma Danteennaa?W/Q; Ayaanle. Amir.
August 19, 2022 - Written by Editor:

Dimuqraadiyadda Somaliland way 20 jirsatay. Maxaase ay Somaliland ka dheeftay? Maxayse dhib ku haysaa? Somaliland waxa soo maray 5 madaxwayne oo kii u horreeyey ahaa ku meel gaadh 2 sano ku ekaa, arrintaa oo macnaheedu ahaa in SNM dalka 2 sano oo ku meel gaadh ah maamulkiisa hayso. Madaxwaynihii 2aad waxa doortay waxgarad ka koobnaa culimo, oday-dhaqameed iyo siyaasiyiin ku shiray magaalada Boorama. Madaxwaynahaasi wuxuu sameeyey dastuurka maanta ay Somaliland weli ku dhaqanto. Dastuurkaa oo ku salaysan dooraasho la doorto madaxwaynaha iyo golayaasha kala duwan ee dalka, taas oo ah hal qof hal cod. Wuxuuna asaasay xisbigii ugu horreeyey Somalilanda cusub. Siyaasiintii kalena waxay asaaseen sidoo kale xisbiyo. Intuuna madaxwanahaasi doorasho qaban ayuu geeriyooday. Ku xigeenkiisii ayaa xilkii la wareegay, abaabulayna doorashooyin sidii qorshuhu ahaa.

Wuxuu noqday madaxwaynihii ugu horreeyey ee abid dadka Somaliland soo doortaan. Laakiin suaashu waxa weeyi ma ku helay qadarin, xisbiyadii doorashada laga helay ma ku ixtiraameen guusha? Horta way qirteen inuu ka helay doorashada laakiin waxay bilaabeen markiiba dagaal afka ah iyo cambaarayn aan ujeeddadeedu ahayn toosin iyo sixid qaladaadka xukuumadda ee xaalku yahay xumee oo xasad ninka xukunka haysta. Hadallo badan oo deelqaaf ah ayaa lagula kacay, waxa xusid mudan in Siilaanyo oo ahaa guddoomiyaha xisbi mucaaridka ugu wayn waqtigaa uu odhan jiray: ninka madaxtooyada fadhiya ul ayaanno kaga soo saari. Waxaan xasuustaa Faysal oo ahaa guddoomiyha xisbiga 2aad ee mucaaridka isagoo ku qudbadaynaya: Hargaysa anigaa leh ee ma nin Boorama ka yimid ayaa Hargays iigu talin. Mucaaradad adag oo aan ahayn toosin iyo wax u sheeg xukamdeed ee ahayd weerar toos ah oo lagu qaadayay madaxwaynaha iyo qoyskiisa. Gacan ka hadal badan ayaa dhacay baarlamaanka ayaa la isku rasaaseeyey. Baarlamanka ayaa albaabada loo xidhay. Intuu xilka hayay madaxwaynuhu waxa soo socday dagaalkaa iyo i jiid aan ku jiidee.

Waxa laga mashquulay danihii dalka. Sidii dagaalkaasi u socday ayaa la qabtay doorashadii 2aad ee madaxtooyada, waxana ku guulaystay xisbigii Kulmiye oo waxa madaxwayne noqday Siilaanyo. Xisbigii Riyaale ee ku guuldarraystay inuu mar kale hanto kusriga madaxtooyada wuxuu gebi ahaanba ka baxay saxaadda siyaasadda. Xisbiyada Soomaalidu waa guddoomiyha iyo baabah. Riyaale markuu isagoo niyad jabsan dalka ka tegey  xisbigiina wuu iska baaba’ay. Muddo dabadeed Waxa samaysmay xisbi cusub oo guddoomiye ka yahay Cirro oo isla markaana ahaa guddoomiyaha golaha wakiilada. Madaxwayne Siilaanyo lama kulmin mucaaradad adag sidii Riyaale sababtoo ah xisbiga mucaaridka ugu wayn oo waddani ah waxa guddoomiye ka ahaa Cirro oo laftiisu nidaamk dawliga ah ka mid ah sababtoo ah wuxuu ahaa guddoomiyaha baarlamaanka. Haddana madxaweyne Siilaanyo faraha lagama qaadin oo waxa ku socday dagaal afka iyo saxaafadda ah oo uu waday xisbiga waddani. Waxa ka nabadgeli waayay mucaaridka xaaska madaxwaynaha oo 24ka saac saxaafadda laga caayo. Sidoo kale inamada uu sodogga u ahaa oo magacyo foolxun loo bixiyey. Mucaaridnimadii waxay gaadhay in dumarka iyo carruurta la caayo. Markanna sidii caadada u noqotay siyaasadda Somaliland dantii dalka meel baa la iska dhigay oo waxa socda dagaalka kursiga u sarreeya. Ka soo gudub waxa la galay doorashadii madaxtooyada 2017kii. Siilaanyo wuxuu noqday hawlgab, waxa xisbigii Kulmiye iska soo sharraxay Muuse Biixi oo markaa ahaa guddomiya Kulmiye. Waxay ahayd doorashadii ugu xumayd ee qabyaaladdu cirka isku shareerto. Musharraxa Kulmiye (Biixi) iyo musharraxa waddani (Cirro) oo labadoodu ka soo kala jeedaan 2da qabiil ee Isaaq ugu tirada badan ayaa ku ololeeyey tartan laba reer. Arrintuna noqotay, sidii Biixi beri dhowayd Ka yidhi Agabar, reerkii laga badiyo ayaa guumoobay. Hase yeeshee doorashadu waxay u dhacday si nadiif ah oo daacad ah sida ay sheegeen guddidii doorashada iyo goobjoogayaashii shisheeye. Xisbiga waddani wuu diiday inuu aqbalo natiijadii wuxuuna qabanqaabiyey shir beeleed lagu diiddan yahay natiijada iyo xukuumadda cusub. Colaadda ay siyaasiintu kala dhex dhigeen reerihii walaalaha ahaa waxay gaadhay in shirkaasi loo diiday inay ka qayb galaan oday dhaqameedka ku abtirsada taageerayaasha Kulmiye, halka odayaasha beelaha Somaliland ee kale dhammaantood shirka lagu casuumay. Dagaalkaasi ma joogsan 4tii sano ee Biixi xukunka Hayay. Madaxwayne Biixi wuxuu ku daddaalay inuu boogtaa dhayo. Wuxuu jagooyin badan u magacaabay beesha Cirro oo uuga sad buriyey beelaha kale, wuxuu mashaariic badan ka hirgeliyey deegaanada beesha taageerta xisbiga waddani. Wuxuu dhisay dekeddii Maydh, madaarkii Burco iyo madaar cusub oo Ceerigaabo ah wuxuu damiyey dagaalkii hubaysnaa ee beeleed ee ka socday Ceel-Afwayn oo Siilaanyo waqtigii u madaxwaynaha ahaa Cirrana guddoomiyaha baarlamanka ay damin kari waayeen, inkastoo labadooduba ay ka soo kala jeedeen 2da reer isku dilaayay Ceel-Afwayn. Dadaalkaa u Biixi sameeyey waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay oo waxa ka xoog batay dareenka qabyaaladeed. Waxa maanta taagan murankii ugu xumaa ee siyaasadeed. Awal muranku wuxuu ku ekaa siyaasiinta laakiin imika wuxuu sal ku hayaa qabyaalad oo xisbiga mucaaridka ah ee waddani iyo UCID ba si badheedh ah u adeegsanayaan, oo xataa Faysal ka yidhi saxaafadda in booliiska Somaliland yahay ciidan beeleed. Wasiir Kaahin oo ah wasiirka amniga ayaa isna noqday mid dabka qabyaaladda sii shidaya, isagoo waddani ku sheegay ciidan beeleed iyo ciidamo shisheeye, isagoon wax caddaymo ah ilaa imika aan keenin. Waxa la iska illoobay sidii caadada u ahayd siyaasiinta danihii dadkeena iyo dalkeenna, cidina kama hadasho, ceebayn la’aan, baahiyaha badan ee dadkeenna. Waxa la iska illoobay qaddiyaddii Somaliland. Arrini waxay ku soo ururtay kursiga madaxwaynaha. Dimuqraadiyadda waxay innoo dhashay qayqaybin, qabyaalad iyo qaylo taagan. Cabsi joogta ah iyo iyo inay Somaliland mar walba qarka u saaran tahay dagaal sokeeye hase yeeshee beelaysan. Umadaha aynu dimuqraadiyadda ka qaadanay ololahoogu wuxuu ku eegyahay maalinta doorashada. Dabadeedna muddo 4 ama 5 sano ah ayay dadku ka nastaan is eryadka xisbiyada (siiba Maraykanka, Yurub iyada wax cadaawad ihi kama dhaco xataa waqtiga ololaha doorashada). Muddo xileedka qofka la doortayna waxa lagu wada dadaalaa horumarka dalka. Mucaarid ma jiro dunida, madaxwayne la doortay ku sheega diktaatoor inagga mooyaane. Somaliland, 20kaa sano ee aynu dimuqraadiga nahayba dusheenna ayuun baa la isku haystaa. Dad aan dan ka lahayn nolosha qofka caadiga ah ee Somaliland ee uu u muuqdo uun kursiga ay isku haystaan. Heer ayna hore u gaadhin loolanka siyaasadeed ayuu maanta gaadhay, heer aad u foolxun oo dhimasho iyo dhaawac keenay. Heer baa la maraya xaafadihii magaalada la yidhaa is weerara. Doorasho kasta oo dhacdaa ma keenayso xal, dabkana ma bakhtiinayso ee way sii huranaysaa uun.Tusaale haddii maanta doorasho 3dan xisbi galaan oo madaxwaynuhu si daacad ah u helo, ma aqbalyaan mucaaridku? Waa habeenkii xalay ahaa ee tegey! Hab kale oo madaxdeena loo doorto ama loo magacaabo ha la sameeyo dimuqraadiyaddi inama anfacayso. Doorasho maxay faaiido leedahay mar haddaan la isku qirayn guusha. Mar haddaan dadkii codkooda dhiibtay cid qiimaynayn.

Qore:Ayaanle. Amir Bidde

COMMENTS
LINKS