“Annaga Lacagtu Naga Dhamaan Maysee, Waxaad Ku Tidhaahdaan Xaabadu Yay Idinka Dhamaan” Allahu Yarxam Ganacsade Xoogsade. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Annaga Lacagtu Naga Dhamaan Maysee, Waxaad Ku Tidhaahdaan Xaabadu Yay Idinka Dhamaan” Allahu Yarxam Ganacsade Xoogsade.
September 22, 2022 - Written by Editor:

Allaha Naxariistii Jano Haka Waraabiyo Ganacsade Maxamed Cabdilaahi Kaahin, oo Ku Magac-dheeraa Xoogsade islamarkaana, si aad ah Looga Yaqaanay Dalka Itoobiya, iyo Dalal Kamid ah Kuwa Afrika, oo Wakhtiyadii Colaadaha iyo Dagaaladu Ka jireen Qaarada Afrika Itoobiya la lahaa Xidhiidho Ganacsi iyo Guud ahaanba Soomaalida oo In badani Taqaanney, Maadaama uu ahaa Qofka Kaliya ee Kasoo jeeda Qawmiyada Soomaalida Itoobiya, ee Safka hore kaga Jirey Ganacsiga Dalkaasi Itoobiya.

Ganacsade, Maxamed Cabdilaahi Kaahin (Xoogsade), oo soo Marey Duruufo adag oo Gudaha Dalka Itoobiya, ah Xiligii Dagaalkii 1977kii, oo Dawladdii Mingiste Dishey Soomaali badan oo Dalkaasi Ku Noolaa Wuxuu, Qaatey Go,aan Adag oo Qadhaadh Kaas oo Qeyb Ka ahaa Calool Iyo Dhiiranaan Geesinimo oo gaar u ahaa, Kadib Markii uu Madaxweynihii Mingistu ee Inqilaabka ku Qabsadey Dalkaasi u Sheegay, in ay Kala Gaar tahey, Dagaalka Soomaaliya iyo Itoobiya u Dhexeeya, iyo Inney iyagu Itobiyaan yihiin oo Ethopia Ku Nool yihiin Ganacsigoodu Ka Furan Yahey, Si aanney Markaa ugu Soo Shaah Taggin Itoobiyaankii iyo Qawmiyadihii Awooda lahaa, Waxa ay Kala Qaateen Mingistu Heshiis Wadacad Haysta, taas oo aannu Waligii Cidna ugu Habran Gudaha Itoobiya, Waxaannu inta badan Jeclaa in ay Dadka Soomaalida ahi Helaan Kalsooni iyo Xoriyad Nololeed, Waana Sababta uu uga Xanaaqi jirey Basaasiinta, iyo Kuwa Is Dacweeya, ee Soomaalida ah.

Waxa Xusid Mudan, Xiligii Kooxdii Jabhada Ahayd ee Onlf ay Gaadiidka Ku Gubi Jireen Deegaanka Soomaalida, Inta u dhaxeysa Godey, Dhagaxbuur, Qabridahare, Waxaa Halkaa tagey Gaadiid Tira badan, oo uu lahaa Ganacsade Xoogsade, Kuwaas, oo iyagu Tagi jirey inta badan, Wakhti Kasta, oo Duruufi Ka jirto Kadibna Sadex Baabuur ayaa lagu Gubay Halkaasi Wakhtiyo Kala Damdambeeyay, oo Dhamaantood Loo Sheegay, in Lagubay Haseyeeshee, Sadexdaa Jeer Marna Kamuu Hadlin, Xaajigu Waannu iska Aamusey, Maqalkii uu Maqley Kadib, Markii La Gubey Baabuurkii Afaraad ayuu Weydiiyay Nin Kamid ahaa Dirawaliintiisii, oo Kasoo jeeday Deegaanka Goday, Isagoo Waxa Weydiiyay Waxa ay Ku Gubaan Gaadiidka Qoladan Baabuurtii hore Gubtey, Kadibna Ninkaa Dirawalka ah ayaa u Sheegay, in ay Xaabo Ku Gubaan, oo inta ay Xaabada Ku ururiyaan Kadibna Naafto Ku Shubaan, Ayey Dab Qabadsiiyaan, Ayuu Ku Yidhi Ninkii Dirawalka u ahaa, Arintaas ayaa Ka Daadagi Weyday Xaaji Xoogsade Sababtoo ah isagu Wuxuu aaminsanaa, in ay Hub Ku Dhuftaan Baabuurka Kadibna uu Sidaa Ku Gubto, Isagoo La Yaaban Arinta ayuu yidhi.

“”Annaga Lacagtu Naga Dhamaan Maysee, Waxaad Ku Tidhaahdaan Xaabadu Yay Idinka Dhamaan” Ayuu yidhi Ganacsade Xoogsade.

Hadalkaasi Wuxuu, isaga Gudbey Guud ahaanba Soomaalida Itoobiya, Sababtoo ah Xaaji Xoogsade ma aheyn Nin Hadal Badan, Wuxuu inta badan ahaa Qof Aamusan, oo Marka uu hadlona Hadal Culus oo Xikmad ah Laga Gunto, Waana Sababtii ay Madaxda Xabashidu, hadaladiisa la fajici Jireen, jabhadaasi Waxey Ku Xisaabtameen Maadaama ay Maalin Walba Gubi jireen Gaadiid Ka Yimid Itoobiya, oo Deegaanadooda Ku Socda Kuwa Ka Yimid, Soomaaliya oo Kusocda, Halkan ay Kujiraan ee ay Ku Dhuumanayana tahey Keyntaa Weyn iyo Dhirtaa Jiqda ah, ee ay Ku Xaabaynayaan Gubista Baabuurta Hadalkii Xoogsade Ganacsade Maxamed Cabdilaahi Kaahin Wuxuu Ku Dhaliyey Fikir Cusub oo ah in Haddii ay joojin Waayaan Gubista Noocan ah ee Gaadiidka, ay Maalin Dhaw Soo Joogsan Doonaan Ban Cad oo aan Geed La hadhsado Lahayn.

QALINKII; SUXUFI CABDIRAXMAAN NUUX “HIIRAAN”

COMMENTS
LINKS