Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Shaaciyay Wakhtiga Ay Ku Qaban Karaan Doorashada Madaxtooyada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Shaaciyay Wakhtiga Ay Ku Qaban Karaan Doorashada Madaxtooyada!
September 24, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Komishanka Cusub ee Doorashooyinka Qaranka Jsl ayaa war saxafadeed ay soo  saareen kaga hadlay xiliga ay ku qaban karaan doorashada madaxtooyada oo u mudaysnayd 13November iyagoo sheegay in aanay xiligeedii ku qabsoomay islamarkaana ay qaban karaan 9bilood kadib hada qodobada kazoo baxay gudida doorashooyinka iyo hadalka gudoomiyaha ayaa sidan udhignaa;

1;In Doorashada Madaxatooyada JSL ee u qorshaysnayd in la qabto 13-ka Nov 2022 oo ah bil ka hor dhammadka muddo xilleedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, aannay farsamo ahaan, iyo dhaqaale ahaan ba qabsoomi karayn.

2;In Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, farsamo ahaan ku qaban karaa doorashada Madaxtooyada JSL muddo Sagaal (9) billood ah oo ka bilaabmaysa 1st  October 2022.

3;Gebogebadii Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL wuxuu muddadaa Sagaalka (9) billood ah ku diyaarinayaa dhammaan arimaha  farsamo, dhaqaale ee ay u baahan tahay Diiwaangalinta Codbixyeyaasha iyo qabsoomida doorashada Madaxtooyada JSL.

HALKAN KA DAAWO WARKAN OO FAAH FAASHAN;

COMMENTS
LINKS