Xeerka Caasimada Qaranka Ee Hargeisa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xeerka Caasimada Qaranka Ee Hargeisa!
December 19, 2022 - Written by Editor:

Xeerka Caasimada Qaranka Ee Hargeisa! National Capital Law

Ku:Gudi hoosaadka arrimaha gudaha ee golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland.

Og:Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muse Biixi Cabdi.

Waxa dhawaan golaha wakiilda Somaliland la hor keeni doonaa xeerkii caasimada  Qaranka (National Capital Law) xeerkaasi oo muddo dhaafay muddo dheerna la sugayay ansixintiisa. Waxay ay ummadda reer Somaliland gaar ahaan Gudi hoosaadka arrimaha gudaha ee golaha wakillada iyo guud ahaanba xubnaha kale ee golaha wakiilada ee sharafta muddan ka sugayaan xeer dhamaystiran,xeer la soo bisleeyey, xeer qodaxda laga soo quray, laguna soo gunaanado dood cilmiyeysan oo deggan si loo helo xeerka caasimada qaranka Somaliland ee Hargeisa oo u dhigmi kara xeerka caasimadaha dalalka kale. {Xusuus -xeerka caasimaduhu wuu ka duwan yahay xeerka golayaasha deggaanka}.

Waa maxay xeerka caasimada qaranku?

Xeerka Caasimada Qaranku waa xeer qeexaya Horumarinta, ilaalinta qayb ka mid ah hantida ummadda ee taala Caasimada iyo agagaarkeeda, caasimada oo ah meesha dawladda dhexe ee Somaliland fadhiisinka u ah.

Marka golaha wakiiladu ansixiyo xeerka caasimada qaranka ee u maro dhammaan jaranjarta xeer-dejinta. Marka Madaxweynuhu xeerka saxeexo wuxu madaxweynuhu awood u leeyahay in uu magacaabo Commissionka Caasimada Qaranka (National Capital Commission) oo matalan noqon kara 7, 9, ama 11 xubnood oo badankoodu ka soo jeedaan 6da gobol ee dalka, halka 2, ama 3 xubnood oo Mayorka Caasimadu ka mid yahay loo reebo golaha deggaanka ee Hargeisa.

Waa maxay shaqada Commissionka Caasimada Qaranka?

Shaqada Commissionka Caasimada Qaranka:

1)Qorshaynta fog ee caasimada

2)Maamulka hantida ummadda ee caasimada taal:

Dhulka dhismeedka taariikhiga ah

Beerta xuriyadda, iwm

Landmarks – Nasahablood, iwm

Jardiinooyinka, iwm

Dhulka dhismaha ka caagan ee cagaaran

Diyaaradda ee badhtamada Hargeisa, iwm

3)Horumarinta iyo hal-abuurka caasimada:

Shirarka caalimiga

Carwooyinka kale duwan

Gunaanad: Mudane Madaxweyne waxan ku rajo weynahay in aad soo magacawdo khubaro ka midho dhalin karta xeerka caasimada, khubradaas oo ah qualified Engineers, qualified Administrators iyo dad kale oo aqoonteeda leh, si loo helo caasimad la tartami karta caasimada dunida.

Allah Mahad leh,

QALINKII; Mohamed Abdilahi Nur

Ottawa, Canada

Mohamed is an Electrical Engineer and Economist

almis302002@yahoo.ca

 

 

COMMENTS
LINKS