“Hadii Aan Waxba Kuu Qorsheysnayn, Ha Doonan Hogaamiye Umadeed”Mahamed Dhimbiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Hadii Aan Waxba Kuu Qorsheysnayn, Ha Doonan Hogaamiye Umadeed”Mahamed Dhimbiil.
July 6, 2023 - Written by Editor:

Ummad hogaaminteedu waa waxa ugu adag ee aduunka guudkiisa yaalla , sababtuna wax kale maaha e aduunka gabigiisa waxa ugu mudan ibnu-adamka sida uu Alle swt inoogu sheegay quraankiisa suratul-israa ۞ وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ وَحَمَلْنَاهُمْ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَرَزَقْنَاهُم مِّنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلْنَاهُمْ عَلَىٰ كَثِيرٍ مِّمَّنْ خَلَقْنَا تَفْضِيلًا (70) .

Qofka raba masuuliyadaasi culus waa in uu leeyahay aqoon hogaamineed , ama haybad hogaamineed amaba waayo aragnimo iyo khibrad waayo joog ah oo uu yahay qof aan waxba seegayn hawlaha intooda badan ileyn waa binu-adam oo wax waa qaldami karaane , somalideenuna waa  kuwa ku maah-maaha ( Nin Habari Dhashay Hal Ma Seegi Waayo ).

Haddaba marka aad waliba u holato hogaaminta dad dawladnimo ka bur-burtay oo ku jira dib u dhis iyo daaweyn oo wax badan oo dadyow badani aanay la qabin dareemaya waxa aad u baahan tahay in aad qorshe leedahay aad ka soo baaraan degtay oo isugu jira xiliga dhow iyo ka fogba.

Dalkeenu wax badan ayuu kaga duwan yahay dalalka kale oo waxna aynu kaga wanaagsanahay waxna la inagaga wanaagsan yahay waxa isku garab-yaal hawlo badan oo diidaya in aad wax cusub la timaado , in aad saaxada iyo xayndaabka hogaaminta soo gasho oo in koobani sameysatay waa in aad leedahay karti iyo balaaqo aad kaga gudubto.

Dhinaca taariikhda iyo xog-ogaalnimada ugu yaraan waa in aad horta goob joog ahayd halkii wax ka soo bilaabmeen , sidii wax lagu soo bilaabay , waayihii kala duwanaa ee la soo maray , sidoo kale waa in aad raadisay oo si mug leh u baadhay waxii qarankii hore ee bur-buray keenay dhibaatadiisa iyo in uu burburo.

Marka aad intaasi isla hesho waxa laga maarmaan ah in aad taqaano sida dadka aad maamuli doontaa u nool yihiin , waxa ay qadariyaan ( qiimeeyaan ) dhaqankooga , noloshooda , deeganadooda iyo  haybtooda oo Alle swt inoogu sheegay suratul xujaratيَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ (13).

Sidoo kale waxa muhiim ah in aad garanayso waayaha iyo duruufaha ku gedaaman kursiga aad rabto in laguu doorto oo ah halka aad iska qiimeyn karayso in aad tahay qof ku haboon oo ka gudbi kara hawshaasi ku hortaalla ee baaxada weyn iyo waliba waxii cadaw kugu ah ee kuu diidan rumeynta yoolkaaga, iwm.

Ceeb maaha hanka iyo hamiga doonista madaxnimadu ee waa sharaf , sidoo kale waa xuquuq dastuuri ah oo uu leeyahay qofkasta oo muwaadin ahi , dalkeenu baahida ugu weyn waxa uu u qabaa hogaamiye umadeed oo inagala dabaasha xaaladaha adag ee aynu ku suganahay inta dawladnimo salkeedu adag yahay aynu noqonayno oo nidaam iyo shuruuc adag ku taagan.

dalalka nidaamku u dhisan yahay ee shuruucda iyo xeerarka adag dawladnimadoodu ku shaqeysaa qofwaliba wuu maamuli karaa xataa qof aan hogaamiye aheyn , kaliya waxa aanu soo kordhinayn uun wax cusub oo weyn , sidoo kale waxba badan hoos ugama dhigi karo oo waxa dabraya habka dawladnimo ee is miisaamaya iyo xeerarka u yaalla dalka.

Aan soo ururiyo e siyaasiga tirobeeley ee ina hor tubanoow maxaa qorshe kaaga yaalla dalka maamulkiisa , horumarkiisa , kor u qaadida hab fekerka bulshada , nolosha iyo baahiyaha aas-aasiga , xaqiijinta hiigsiga iyo himilada uu leeyahay dalkani ?

W/Q;-Mohamed Abdi Jama “Mohamed Dhimbiil”

COMMENTS
LINKS