“Surma Seegto Dambe Yey Dhicin…” Suxufi Abiib Iimaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Surma Seegto Dambe Yey Dhicin…” Suxufi Abiib Iimaan.
July 7, 2023 - Written by Editor:

“Wali Waxa Jira Dabaylo Siyaasadeed Oo Umuuqda Inaan Bisayl Jirin, In Aan Wax Laysugu Tudhaa Jirin, In Sidii Lixdankii Aynu Wali Aragtiyo Ku Kala Qaybsanahay”Abiib Iimaan

Dhacdooyinka qarsoon ee dedejiyey xoriyadii 26 kii June 1960 kii in ay afar maalmood ka dib gacanta u gasho shuruud la aan somaliyadii talyaaniga waxa kamid ahaa.

Is haysasho iyo towfiiq la aan ka dhexjirtay siyaasiyiintii reer somaliland ee waagaa, waa sababtii loogu kala dheereeyey tagitaankii muqdisho oo ragaasi intii diyaarad waydayday dariiqa dheer ee dhulka ayey gaadiid ku mareen.

Ilaa maanta majirto guulkasta oo la gaadho in lagu wada farxaa ama loo wada mashxaradaa.

Waa dabciga aadamaha kala aragti duwanaanshuhu lkn waxa dadka mideeya dan guud oo lawada yeesho iyo wax lama taabtaan ah oo meel la dhigtaa.

Haddii doorashadii shir gudoonka aqalka wakiilada somaliland 2021 kii lagu kala duwanaa axsaab iyo taageerayaalba, waxa aynu baranay guud ahaan golihii aynu dooranay iyo shir gudoonkooda oo aad ugu muuqday dareewalo aanay gacantu u fadhiyin oo baabuur tareelayaal ah kexeeyey.

Khasaare kasta oo dhaca waxa loo sababaynayey gad gadoonka iyo baydh baydhka shukaanta wadayaasha dhalinyarada ah ee wada cusbaa.

Maanta oo ay laba jirsadeen waxay ahayd in socod baradku u adkaado, in aragtidu u korto, in ay ka xishoodaan wixii khalad ah ee umaddu kala kulantay oo ay raali galin ka bixiyaan wixii qaloocday.

Wali waxa jira dabaylo siyaasadeed oo u umuuqda inaan bisayl jirin, in aan wax laysugu tudhaa jirin, in sidii lixdankii aynu wali aragtiyo ku kala qaybsanahay, balse yaanay dhicin markale in debnaha iyo foolasha laysku qayoxo oo hadhow ay timaado ” daacadba maan ahayn”.

Allaha idiin dooro laakiin ogaada in shicibku ay xaq idiinku leeyihiin  ogaanshaha iyo xisaab celinta codkoodii, yaanay dhicin surma seegto 2aad.

Golaha oo guulaystaa waa dalka iyo dadka oo guulaystay….

QALINKII; SUXUFI ABIIB IIMAAN XASAN.

COMMENTS
LINKS