“Wali Rajo Ayaynu Leenahay Mar Haddii Uu Aadan Xaaji Cali Uu M/wayne Muuse Biixi Ku Yidhi; “Wallaahi Xayntuna Ha Iska Oontee, Inaanu Runta Sheegi” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Wali Rajo Ayaynu Leenahay Mar Haddii Uu Aadan Xaaji Cali Uu M/wayne Muuse Biixi Ku Yidhi; “Wallaahi Xayntuna Ha Iska Oontee, Inaanu Runta Sheegi”
July 10, 2023 - Written by Editor:

Komishaka  doorashooyinka  waxaan  leeyahay  ninkii  ay  sakaaradu  dhaaftay  wuxuu  yidhi  ta  dan-baba  sida  aad  u  soo kala  horay-siinaysaan  doorashooyinka waa  shaqadiinii  waxaan-se  idinku  kaabayaa  cida  hawshaa  wada mansab  kasta  oo  uu  haysto  iyo  darajo  kasta  oo uu  leeyahay  in  sidaa  maxkamada  sare  iyo  nuur-xaashi  oo  kale  aad  ku tidhaahdaan  “WALLAAHI  XAYNTUNA  HA ISKA  OONTEE  INAANU  RUNTA  SHEEGI”

Markaa  ka  dibna  waxaan  xasuustay  qisadan  soo  socota :-

Oday  reer  miyi  ahaa  oo  danyar  ahaa  ayaa waxa  uu  haystay  xayn  yar  oo  adhi  ah  waxaana  xaynta  u  waraabin  jiray  nin  ka  mid  ahaa  raga  deegaanka  magaca  ku  lahaa  oo  barkad  wayn  lahaa

hadaba  maalin  maalmaha  ka  mid  ah  iyada  oo  meel  fagaare  ah  la  fadhiyo  ayuu  war-bixin  aan  xaqiiqo  ahayn  oo  runta  ka  fog  uu  ku  waramay  odaygii  barkada  lahaa  markii  ay  dadkii  maqlayay  yaabeen  ee  uu  arkay  in  la  soo  wada  eegayo  ayuu  fahmay  in  warkiisii  uu  dadkii  ku  adkaaday  oo  ay  u baahan-yihiin  markhaati   looga  qaateen ah  oo  lagu  kalsoonaan  karo  oo  iimaan  lagu  ogyahay

Waxaanu  markiiba  odaygii  barkada  lahaa  farta  ku  fiiqay  ninkii  uu  xaynta  u  waraabin  jiray  ee  nuur-xaashi  oo  ka  soo  hor-jeeday  waxaanu  yidhi  beenaale  markhaatigiisa  ayuu  fogeeyaaye  waxa  markhaati  goob-joog  ka  ahaa  arintan  aan  idiinka  waramay  nuur-xaashi  ee  qoodh  iyo  xeraale  ku  waydiiya  dadkii  waxay  mar  kaliya  u  wada  jeesteen  xagii  nuur-xaashi  oo  ahaa  nin  lagu  kalsoon  yahay  oo  iimaankii-suna  fiican  yahay  ninkii  nuur-xaashi  waxaa  ku  cadaatay  talo  mar  wuxuu  eegay  xaga  ilaahay  iyo  maalinta  aakhiro  marna  wuxuu  eegay  xayntii  yarayd  ee  adhiga  ahayd  oo  kalkeedii  taagan-yahay

Waxaana  jirta  xilli  marka  aad  naftaada  la  faqayso  uu  kaa  soo  baxo  hadalkii  aad  naftaada  kula  faqaysay  ee  kuu  qarsoonaa  oo  dadku  ay  maqlaan  adiga  oo  aan  ugu  talo  galin  in  la  maqlo hadaba  odaygii  nuur-xaashi  waxaa  ka  soo  baxay  oo  la  maqlay  hadal  ahaa (WALLAAHI  XAYNTUNA  HA  ISKA  OONTEE  INAAN  RUNTA  SHEEGI)  nasiib  wanaag  nuur-xaashi  bar-barkiisa  midig  waxa  fadhiyay  odaygii  raga  deegaanka  ugu  magaca  waynaa  kaalinta  koowaadna  kaga  jiray  haddii  ay  noqoto  barkad  baabuur  iyo  xoolo  nool  intaba  oo  dhaar  iyo  xila-fur  ku  maray  in  inta  uu  nool-yahay  uu  kafaalo  qaaday  biyaha  ay  cabayaan  xaynta  adhiga  ah  ee  nuur-xaashi  iyo  reerkiisu  ubadkiisana  uu  kula  dardaarmi  doono  iyo  waliba  waxtar  kale waxaanu  ku  yidhi  nuur-xaashiyoow  markhaatigu waa  dhaar  nin  lihi  diiday  ee  runta  sheeg  adiga  oo  ilaahay  ka  baqaaya  oo  dhinacaaga  u  tudhanaya  nuur-xaashina  waxa  uu  dhayda  ka  cadeeyay  markhaatigii  runta  ahaa  hadaba  somaliland  marka  la  isku  qabto  arimaha  doorashooyinka  inta  ka  dhimani oo  kali  ahi  waa  ha’adaha  ay  khusayso  oo  sidii  nuur-xaashi  yidhaahda  (WALLAAHI  XAYNTUNA  HA  ISKA  OONTEE  INAANU  RUNTA  SHEEGI)

Waxa  Qoray:  C/risaaq   Suudi   Nuur

Allaa              Mahad               Leh

COMMENTS
LINKS