Caawa Iyo Doodii Madasha” Gooja-cadde” Ee Magaalada Boorama! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Caawa Iyo Doodii Madasha” Gooja-cadde” Ee Magaalada Boorama!
July 17, 2023 - Written by Editor:

Caawa waxaan fursad qaali ah u helay inaan la caweeyo oo doodo muhiim ah aanu is weydaarsano qaybo ka mid ah aqoonyahanka gobolka Awdal oo isugu jiray dhakhaatiir, macalimiin jaamacadeed, culimo iyo dhalinyaro aqoonyahan ah.

Kulankan oo isna uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Mohamoud Hassan Saad “Saajin” waxaa la isku weydaarsaday doodo iyo su,aalo tiro badan oo ku saabsangobolka Awdal iyo guud ahaan Dalka.

Waxaa aad iisoo jiitay sida ilbaxnimada iyo aqoontu ay ka muuqato ee dhalinyaradaasi ay doodooda usoo bandhigayeen, isla markaasna ay daawaha noo saareen iyaga oo aan xarragada ka tegin, lafahana jebin.

Aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa dhalinyarada reet Boorama oo mar kasta oo aan u imaado soo dhawayn fiican kala kulmo.

Majadsanudin

Amb Kaysar

COMMENTS
LINKS