Sadexdii Xisbi Ee Hore Oo Umuuqda Qaar Meesha Ka Baxaya & Madaxweynaha Oo Mideeye Dhisaya! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sadexdii Xisbi Ee Hore Oo Umuuqda Qaar Meesha Ka Baxaya & Madaxweynaha Oo Mideeye Dhisaya!
July 20, 2023 - Written by Editor:

Waxa aad moodaa in urur siyaasadeedka KAAH kaligii u dabaal Dagay go’aankii mudeynta tartanka doorashada ururada Siyaasada iyo axsaabta qaranka oo loo cayimay in doorashada Ururada & xisbiyada la qabto 28 Dec 2023.

Haddaba sida wax u muuqdaan ururada xaaladaha adag ku jira ayuu noqon doonaa urur siyaasadeedka KAAH ama meesha ka baxaya marka ugu horeeya ,sababtuna waxa ay tahay ;

1- Waddani waxa gudoomiye ka ah siyaasi ay isku deegaan ka soo jeedaan.

2- Kulmiye waxa loo cumaamadayaa dhowaan gudoomiye kuxigeenka xisbiga kulmiye oo isagana ay isku deegaan yihiin.

Deegaanada kale waxaa kaga awood badan doona ururada siyaasada oo isku biir-biiraya iyo xisbiyada oo ay ku xidhan tahay sida ay u shaqeystaan markaa qoladaa ugu hor damaashaaday waxa laga yaabaa in ay ugu hor dhacdo.

Madaxweynaha ayaa la hadal hayaa in qudhiisu uu rabo ama danaynayo hadii uu siyaasada kusii jiro meel uu iska sharixi karo waxaana warar hoose sheegayaan in urur siyaasadeedka MIDEEYE uu taageero siin doono.

Ucid & Kulmiye hadii ay keenaan mudadaasi 5 ta bilood ah shax siyaasadeed cusub waxaa suuragal ah in la loodin kari waayo ama ay kaalmahooga xajistaan inkasta oo ay hada labaduba liitaan.

Ururada Barwaaqo & talowadaag iyo Rejo ayaa la filayaa in ay midoobaan , arintani ayaa wax weyn ka badeli doonta saaxada siyaasada dalka hadii ay dhabowdo oo waxa adkaan doonta in la sii saadaliyo xisbiyada soo bixi doona.

Xisbigii ugu weynaa mucaaridka dalka ee waddani ayaan la yareysan karin hadii wax badan oo guux-guuxa xaaladaha taagani keeneen ay ka gudbaan oo laftooda la odhan karaa waa xisbiga talada dalka la wareegi doona.

Ururada hilaac , Horseed iyo Xog-ogaal iyo ururadii hogaankoogii isaga tagay ee Waaberi iyo Shacabka ayaa dadku hadal hayaan in ay isku aragti dhow yihiin oo laga yaabo in iyagana wadahadalo u furmaan.

KULMIYE oo talada qaranka soo hayey 2010 ilaa 2023 ayaa u muuqda mid laftiisu saaxada siyaasada macasaalamayn doona  hadii aanu qorshe kale iyo wajiyo kale imanin.

Marka xaal sidaasi yahay waxaaba dhici karta in sadexdii xisbi ee hore saaxada siyaasada Somaliland macasalaameeyaan oo ay soo baxaan sadex xisbi oo kale .

QORE; Mohamed Abdi Jama

Political analyst

Mohmed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS