“Is-mari -waaga Siyaasiga Ahi, Marar Badan Dunida Waxa Uu Uxuub-siibtaa, Qalalaase, Qulqulatooyin Iyo Gacan-ka-Hadal”Ex Wasiir Cumar Cabdilaahi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Is-mari -waaga Siyaasiga Ahi, Marar Badan Dunida Waxa Uu Uxuub-siibtaa, Qalalaase, Qulqulatooyin Iyo Gacan-ka-Hadal”Ex Wasiir Cumar Cabdilaahi
August 3, 2023 - Written by Editor:

Talooyin ku Aaddan Xaalladda Taagan!

Is-mari -waaga siyaasiga ahi marar badan dunida waxa uu u xuub-siibtaa  qalalaase, qulqulatooyin iyo gacan-ka-hadal.

Dalkeenna marka la eego, qabyaalad, xisbinimo iyo dane qofeed  oo is barkan ayaa sii murginaya moranka ka jira doorashooyinka. Haddaba si loo maareeyo  murankan  hadda taagan, waxa lagama maarmaan ah:

  1. In aanay taladu ka baxin gacanta inta go’aanka leh. Mar walba oo la ballaadhiyo talada amma la ogolaado in xamaasadda iyo seef-la-boodnimadu fursad hesho, waxa fogaanaya furdaaminta muranka.
  2. In iyada oo la tixgelinayo qawaaniinta dalka, hadana la abuuro fursad lagu wada hadli karo si loo abuuro kalsooni siyaasadeed iyo aragti midaysan oo lagu gaadhi karo danta guud ee qaranka.
  3. In la dhagaysto talooyinka dhammaan daneenayaasha kala duwan sida dawladda, ururuda siyaasiga ah, golayaasha qaranka, culimada, dhaqanka, ganacsatada iyo aqoon-yahanka
  4. In la garawsado in tanaasulku ka qiimo badanyahay is-muujinta xaaladaha lagu jiro oo kale markay yimaaddaan.
  5. In aan inta is-haysaa isku muuqan ee ay eegaan mustaqbalka ummadda, danaha shisheeyaha iyo waayaha dunida.

6.In la joojiyo  soo fiqidda taariikho xun si loo kiciyo dadka oo keeni karta kala shaki, nacayb iyo kala fogaansho.

7.Si gaar ah, culimada waxa saaran in ay ka shaqeeyaan walaalaynta bulshada, tilmaamida qaladka iyo in ay codkooda ku xoojiyaan inta samaha jecel.

8.In latixgeliyo duruufaha dhaqaale ee dalku ku jiro ee ay sababeen abaarahii soo noqnoqday, Covid-19, isbaddalka cimilada, dagaalka Ukrayn, dabkii Waaheen, iyo colaadda Laas-caanood si looga baaqsado in dhaqaale kale innaga galo deminta qulqulato cusub.

9.In la ilaaliyo kaydka iyo dhaxalka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka  Somaliland ay ku yeesheen dunida ee keentay in aan magac ku hello sidoo kalana kaga soocnaanno waddamada geeska.

————————————————————————-

Napoleon Bonaparte  waxa uu yidhi “ Silic badan duninadan waxa baday maaha dhibta dadka xumi ku hayaan, ee waa aamuska inta wanaagsan”

Qore: Ex wasiir Cumar Cabdilaahi

COMMENTS
LINKS