Maxay Ahayd Xogta Weriye Diridhaba Soo Bandhigay Bil Ka Hor? Faalo!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxay Ahayd Xogta Weriye Diridhaba Soo Bandhigay Bil Ka Hor? Faalo!!
September 20, 2023 - Written by Editor:

Maxamed Cabdi Xassan oo ku Magac dheer Diridhaba oo ahaa Saxafi Reer Hargeysa Ah  Oo aan shaqsi Ahaan in badan Aqaaney ayaa Bad dhig uu Bil iyo badh ka Hor bulshada kula wadaagey Bartiisa Facebook Xalay lagu baraarugay Markii Dabku Qabsaday Magaalada Tog Wajaale isla Markaana Hadal Hayn badan dhaliyey.

Hadaba waxay Tahay Su,aasha Meesha Taalaa  Maxay Ahayd Xogta Mohammed Abdi Hassan Diridhaba  sheegay?

Horta Diridhaba waa Shaqsi looga Qaateen Ah  isla Markaana waa nin intaan ka arkay Somalilanimadu aad ugu dheer tahay oo Aaminsan Qadiyada Somaliland.

Bad dhigaa Hore diridhaba waxuu sheegay  in sida ay Sheegayso Xog Sirdoon oo uu Helay ay tibaaxayso  inay jiraan Kooxo Abaabulan  oo Damacsan inay Gubaan Suuqyada Ganacsiga ee Magaalada Tog Wajaale. Waxuu intaa Raaciyey

In Dalka somaliland uu ku socdo weerer Muddo 8 sanadoodba. Intaasi waa Bad dhigii bil iyo badh ka Hor ee Xalay Markuu dib inoo Xasuusiyey Warkaa hore ayaa Hadana waxuu sheegay Xog Cusub oo ah in la Gubi doono Suuqa Gobonimo iyo Dekada Berbera warkaasi war yar Maaha.

hadaba aynu  shiilno Xogta ee Horta Maxuu Diridhaba inoo sheegay?

 

Diridhaba waxuu sheegay Xog Sirdoon, Kooxo Abaabulan iyo Dagaal ku socda somaliland Muddo 8 sanadood ah  hada Maaha dagaal ku socday dhawr iyo sodonkii sanadood ee somaliland jirtay ee waa weerar 8 sano socday oo ay wadaan kooxo abaabulan  oo Damacsan inay gubaan suuqa wajaale kadib suuqa Gobonimo ee hargaysa iyo dekada Berbera.

Waayahay Markay sidaa Tahay  waa laba Mid uun inay Diridhaba lexe jeclo ka tahay oo uu dadwaynaha ku wacyigalinaya isagoo Raba inay ku baraarugsanaadaan Balaayo kasta oo la filan karo  iyo ta labaad oo ah inay jirto Xogtaa Sirdoon.

Haday ta hore Tahay waa Muwaadin waajibkiisii gutay haday Ta labaad Tahayna waxaa imanaya waydiimo badan ee aan idiin bildhaamiyo.

Horta hadiiba uu diridhaba Helay amaba heli karo Xogaha Sirdoon ee sidan u culus waxaa Cad inuu diridhaba xidhiidh Dhaw la  leeyahay  Hayado sirdoon Markaa ama hayada lafteeda xidhiidh ha la yeesho ama ha yaqaano shaqsiyaad ka hawlgalee.

Ereyga labaad ee u baahan in la is dul taagaa waa KOOXO ABAABULAN.  Dabcan kooxahaasi waxay ku sugan yihiin dalka iyo dibadiisaba waxayna isugu jiraan Muwaadiniin iyo shisheeye labadaba.

Hadaba Maxay Tahay Ujeedada Kooxahaasi abaabulani?  Maxuuse Yahay Afkaartay ku dagaalamayaan?

Sida Caadiga Ah somaliland wax abaabulan oo la og yahay waxaa jira Xisbiyada Siyaasada iyagana Maaha ee waa Kooxo buu yidhi oo waliba koox qudha maahee  ereyguu diridhaba isticmaalay waa jamac oo waa Kooxo Markay sidaa Tahay Yay Noqon karaan kooxahaasi?  Horta kooxahaasi sida la xusay waa kooxo kala duwan  waxa kaliya ee ay ku midaysan yihiin waa dagaalkaa ka dhanka ah somaliland ee socday sideeda Sano ee uu ka midka yahay gubista suuqyada Waaheen Wajaale oo la gubay iyo gobonimo iyo berbera oo hadhay.

Yay Noqon karaan? Horta Maaha Kooxo siyaasiyiin Ah Ee Waa Kooxo Diimeed Ama kooxo kale oo  u shaqeeya Hayado sirdoon oo dalal kale leeyihiin.

Hadaba inagoo Tixraacayna Xogta Sirdoon ee Diridhaba Suuqyada Ganacsi ee la Gubay kuma koobna Somaliland ee sidoo kale Magaalooyinka Jigjiga Muqdisho Boosaaso iyo jabuuti ayaa iyaguna hore u shuf beelay. Dabcan markaa kooxahan abaabulan waa kuwo Saamayn ku leh dhamaan dhulka ay soomaalidu degto sida somaliland,Soomaaliya,Jabuuti , kenya iyo itoobiya. Markaa waa Kooxo Dubaarad dheer oo jilayaasha ayuun baa Geeska Afrika Joogee Raga Qorshayaasha kooxahan jaan gooyaa waxay ku sugan yihiin dalalka dibada  sida Dalka uu haatan ku nool yahay diridhaba  Ee ingiriiska oo kale..

Isku soo Wada Xoori  Hadaanay Ahayn Kooxo u adeega  Hayado sirdoon oo kala duwan  ma jiraan kooxo sidaas ah oo la Tuhmi karo oo ka jira Somaliland waxaanse tilmaamayaa Sidaan Malaynayo Kooxahaasi waa laba Mid uun Ama Waa Wadaado Afkaar Diiineed  Wadaaga Ama waa Alle Kood  calooshood u shaqaystayaal adeegsanaya oo u adeega Hayado Sirdoon oo Caalami Ah.

Qormadayda Waxaan ku soo Gunaanadayaa  Maxay Noqon kartaa Danta laga Yeelan karo Gubashada Suuqyada Ganacsiga? Mooyi!! Laakiin waxaan Daah inaga Saarnayn inuu ku jiro Mashruuc.

Alle Ha salaama Yeelo Somaliland Balse Waxaan soo jeedinayaa in kor loo Qaado Tayada Hayada Sirdoonka Qarranka oo loo kordhiyo Miisaaniyada.

W/Q: Cabdikariim M. Cadde(Qaamuus)

 

Wa bilaahi Tawfiiq.

 

COMMENTS
LINKS