“Lacag kasta Oo Aanu Sharciyan Golaha Wakiiladu Ansixin, Oo Baanka Dhexe Soo Daabacaa Sharci Maaha” Xuseen Shabeel. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Lacag kasta Oo Aanu Sharciyan Golaha Wakiiladu Ansixin, Oo Baanka Dhexe Soo Daabacaa Sharci Maaha” Xuseen Shabeel.
October 5, 2023 - Written by Editor:

“Waa in GOLAHA WAKIILADA loo soo gudbiyaa noodhka waraaqaha ah ee lacagta cusub inta aan la soo daabicin  si uu uga doodo una  ansixiyo lacagta cusub ee la soo daabacayo si ay u noqoto wax qaranku leeyahay sida uu waajibinayo Qod : 35 faqradiisa (2 aad)  ee Xeerka Baanka Dhexe XEER LR. 54/2012 .

Wadankan waxa ragaadiyay oo halkaa dhigay waa doonista qof iyo qofaf masuuliyiina oo siday doonaan u tagri fala iyo  ku tumashada sharciga iyo waxay umadani ku heshiisay .

Lacag kasta oo aanu sharciyan golaha wakiiladu ansixin oo Baanka Dhexe soo daabacaa sharci maaha , mana aha wax qaranku leeyahay oo lagu kalsoonaan karo .

Fg: Mawduuca ah waa la soo daabacay iyo lama soo daabicin waa wax kale , ee qoraalkaygani waxa uu ku koobanyahay uun sharciyan waxa laga rabo iyo jidka la marinayo marka Baanka Dhexe JSL lacag cusub soo daabacayo .

Qalinkii: Garyaqaan Xuseen Shabeel.

COMMENTS
LINKS