Magaalada Saylac Oo Biyo La’aan Soo food Saartay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magaalada Saylac Oo Biyo La’aan Soo food Saartay
June 28, 2014 - Written by Editor:

Masuul ka tirsan masuuliyiinta ceelka biyaha ay ka hesho degmada Saylac ayaa xaqiijiyey in ay ciladi soo wajahday Mishiinkii soo

Saylac (Wajaalenews) – Magaalada Saylac ee xarunta gobolka Salal ee Somaliland ayaa wararka ka imanayaa ay sheegeen in ay ka jirto xaalad biyo la,aaneed oo aad u daran.

Caaqil Idiris oo ka mid ah cuqaasha deegaankaasi oo qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Magaaladaasi ay ka jirto xaalada biyo la,aaneed taas oo sahli karta in gabi ahaanba Magaalada looga guuro.

Caaqilka ayaa intaasi ku daray in biyo la,aanta ka jirta Magaalada Saylac ay marayso halkii ugu xumayd isla markaasna dadweynuhu ay ku sugan yihiin xaalad beercadaad ah.

Masuul ka tirsan masuuliyiinta ceelka biyaha ay ka hesho degmada Saylac ayaa xaqiijiyey in ay ciladi soo wajahday Mishiinkii soo

saari jiray biyaha ay Magaalada Cabto mid kale oo ay lawyacado uga keeneena ay is qaadan waayeen daynabadii Ceelka.

Masuulkan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in biyaha ceel biyoodkani soo saaro oo ahaa kuwo qadhaadh uu waraabin jiray dadka danyarta ah ee magaalada ku nool ,balse sadded ceel biyood oo ay magaalada Saylac ka qoday haayada IFAT aan wali furin , waxaana uu ku baaqay in laga hawl-galo sidii mishiinkan loo kicin lahaa .

Foostada Biyaha Macaan ah ayaa magaaladda Saylac Booyaduhu ku Iibiyaan saddex iyo toban kun oo Shilling

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS