Soomaaliland Meeday?!W/Q; Rashiid Cabdilaahi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Soomaaliland Meeday?!W/Q; Rashiid Cabdilaahi
December 2, 2023 - Written by Editor:

Maalin iyo meel walba waxa warbaahinta bulsheed hortaagan (midmid iyo kooxb) kuwo odayaal qabiil sheeganaya. Waxa ay oogayaan colaad qabiil oo ku saabsan dhul iyo degaan. Qaylodhaantu waa ”tolaayeey gobolkayga ayaa lagu soo duulay iyo annaga cid aan ahayni sidee uga talisaa”!  Guubaabo dagaal baa socota.

Tii bariga ee Laascaanood ka qarxday waxa sababay talxumo ka timid xukunka Soomaaliland; waxa se hadda ay isu rogtay ama loo rogay laba qabiil oo dhul isku haysta. Kuwo SSC iyo Khaayumo ka magac-dhigtay ka go’e oo  iska reebe magaca Soomaaliland; hayeeshee dagaalkii ayaga iyo dawladda Soomaaliland waxaa loo rogay dagaal laba qabiil. Galbeedka na laba qabiil baa dhul isku haysta oo dagaal isu gu gooddiyaya. Qolo waliba dhulkayaga ayey leedahay; xataa magaca gobolka lama soo qaadayo oo xis iyo xusuus loo ma laha. Waxa carrabka ku dheggani waa dhulka Reer-Habel.

Magac guud oo la wadaagaa, haddii uu ahaa Soomaaliland ama Soomaali ama xataa Muslim wuu ka baxay caqliga iyo qalbiga ba. dareenkii ummadnimo wuu suulay oo ahaansho qabiil iyo reer iyo jibsin baa hoos loogu shuukhay. Waxa iigu daran sheegatadii aqoonyahanka iyo dhallintii facebook wax ku qoraysay. “ Daarood Isaaq, habar is yo habar”iyo magacyo shaydaanku kooraystay oo sharka oo Keli ah xambaara!!

Tii dawladda lagu sheegayey iyo madaxdeedii xaggee ka baxeen?!

Nin rumaysta iyo nin diidaba runtu waxa ay tahay: qabiil dhul lihi ma jiro. Dalka dawlad baa yeelay karta. Dalku haddii uu dawlad waayo, waa lagu soo durki oo dawlado kale ayaa qaadan doona. Soomaaliland meeday?!

QORE; Rashiid xaaji cabdilaahi (rashiid gadhwayne)

COMMENTS
LINKS