Xiisadaha Badda-Cas Iyo Saamayntooda! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xiisadaha Badda-Cas Iyo Saamayntooda!
December 19, 2023 - Written by Editor:

Tan iyo 15-kii December afar ka mid ah shanta shirkadood ee ugu waaweyn adduunka ee dhoofinta konteenarada, cma cgm, Hapag-Lloyd, Maersk iyo msc, waxay hakiyeen ama joojiyeen adeegyadii ay ka hayeen marin-biyoodka  Badda Cas,   marinkan oo ay qasab tahay inay  adeegsadaan  Maraakiibta Suez Canalka ka imanaya.

Xuutiyiinta oo taageero ka helaya Iran, kuna hubaysan hub casri ah, ayaa weeraro ku haya Maraakiibta caalamiga ah ee maraya kobtaas. taas oo sababtay in mid ka mid ah hal-bowlayaasha ganacsiga ee ugu waaweyn adduunka uu si lama filaan ah u xidhmo.

Babal-Mandab waa marin cidhiidhi ah oo u dhexeeya Afrika iyo jasiiradda Carabta kaasoo xadiga ganacsiga  ee  ka gudba marinkaas ay ka noqonayso qiyaas ahaan boqolkiiba laba iyo toban (12%) marka ganacsiga caalamiga ah  loo eego  Sido kale Celcelis ahaana ayka gudbaan boqolkiiba soddon  konteenarada aduunka (30% of global container traffic )

Hadaba waxay ay si degdeg ah u noqotay marin ka Caagan  adeegsiga Caadiga ah (no-go zone )  Xuutiyiinta Yemen dartood kuwaas oo weerarada maraakiibta ay ku hayaan isa soo tarayay ilaa hadana dhanka khatarta u janjeedhsamay marka loo eego maritime security-ga .( high risks)

Iyadoo wadamo badan oo aduuunkaa culays wayni saaran yahay maxay somaliland Saamayn ku keeni kartaa qadiyadani maadaama Somaliland ku  tiirsan tahay la soo dagitaanka badeecadaha si gaara waxay soo waaridaan ama soo dhoofiyaan (import trade ) shirkadaha Ganacsiga Gaarka loo leeyay (Private Sectors ) GDP ga dalkana ka ah in ka badan 90% haddaba waxay saamayn taban ku yeelan doontaa xaaladda marinkan ka soo cusbnoonaatay dhaqaalaha dalka oo dhan iyada oo aan kala soocin  Dawlad, Ganacsato iyo Shacbiba, tusaale ahaan waxaynu soo qaadan karnaa qoddobadan hoos ku xusan:

 

  1. Waxa koru kac ku iman doonaa (Global Supply Chain) ka aduunka taas oo inagu kordhin doonta Sea Freight logistics ka (khidmadaha Xamuulka badda ) in ka badan Inta uu hada yahay.

(sidii Dhacday markii mid kamida maraakibta waawayn Ee shirkada Ever Given markab keeda EverGreen Isku Gud-bay marin ka Suaz Canel muddo lix cisho ah shirkadaaso laga leeyahay wadanka Taiwan)

https://www.economist.com/business/2021/03/25/a-giant-container-ship-accidentally-blocks-the-suez-canal

 

 

  1. Qodob kaasi hore waxa ka dhalan doonaa In Badeecadaha (commodities) la saari doono khidmadaha dheeriga ah ee ku kordhay Xamuulka(Containers) ka iyada oo loo eegayo had ba Freight ka halka uu ka soo rarmay (port of origin) iyo halka uu ku wajahanyahay(port of discharge) sidoo kale Waxa si gaara u qaaliyoobi doona Energy ama Waxyaabaha Tamarta shidaalka ku shaqeeya Sida laydh ka oo aasaas u ah dhamaan Adeegyadeena Nololeed.

3) December 15-keedii Maersk iyo Hapag-Lloyd AG waxay hakiyeen adeegyadooda.

December 16-keedii CMA CGM GROUP (Official)  ayaa raacay, sidoo kale Mediterranean Shipping Company

Shipping lines ka adduunka khaasatan Western shipping ku waxay galeen xaalado deg-deg ah (the global shipping industry is switching into emergency mode) Isku soo wada duuboo afartan shirkadood ayaa 53% ka ah ganacsiga konteenarada adduunka.

4) Shirkadahan shaqo  joojinta sameeyay 3 kamid ahi waxay soo qaadi jireen Badi Badeecadaha Somaliland imaada Taas oo saamaynteeda leh.

5) Waxa laga yaabaa in ay waddadaas oo kale ay qaadaan shirkadaha kale ee ka shaqeeya

 

Containers ka kooban  (Small Container operators )

Drydry-bulk carriers-ka qaada shixnadaha qalalan sida Sibidhka ,Birta ,dhuxusha , Qabadinka.Iwm.

Shirkadaha shidaal ka qaada (oil tanker firms)

arintan hada soo korodhay oo Digniino hore looga bixiyay Marka laga tago Amniga Iyo dhaqdhaqaaqa ciidan ee Bada cas inay kordhinayso  hadana Masar waxay u tahay xaalad aan fiicnayn iyadoo awalba ku   jirtay dhibaato dhaqaale oo waxa uu saamayn doona suaz Canal ka ay dakhliga adag ka samayso Masar.

Waxa lama huraan ah In Somaliland oo kolay aan is leeyahay Dedaal iyo tala gal ay ka leedahay ayaa jira waxaan soo jeedin lahayn ka shirkad ahaan

In Marinka Badda Cas Ay ku yeelato Gacan siyaasadeed Haday tahay mid ciidan iyo Mid Diplomacy-yaded ba oo sidii hawada Loola wareegay la inooga faramaroojin  Khaastan inta xuduudkeena Khusaysa NDAA- Gii maraykanka ha ku tiirsanaato ama Xal kale oo Ay ku difaacdo hala timaadee.

In xili roobaadka soo aadan dadka la wacyi galiyo sidii ay wax u beeran lahaayeen

In Xukuumadu siyaasadeeda Wax soo saarka dalka Wax ka badasho khaasatan hanaanka Wax beerida oo modern Agriculture u guurto si looga saaro meesha iska beertii  loogana baaqsado Wixii ku dhacay Dalagyadii hore Isla xisaabtan kana la Xoojiyo

In ay miisaanto Xalna u hesho Ku tiirsanaanta import kan xadka ka baxay xalna u keento wa’ayo badeecadeena  oo Dhani waa import dalka galin kara ama galiyay Trade deficit sidaa darteed marlay  aduunku suququl Cunto ama resource (scarcity ) waa wajahaya ee aynu Fulinayo NDP gii Qaranka Ee dhawaan la daahfuray.

 

W/Q: Sacad M. Ibrahim

Head of Maritime Access logistics

COMMENTS
LINKS