Diinta Ilaahay Iyo Diinta Shaydaanka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Diinta Ilaahay Iyo Diinta Shaydaanka!
December 25, 2023 - Written by Editor:

*Loolanka DIINTA XAQA AH Iyo Ta  Kuhaanada Ama Sixiroolaha!

*Qof kasta oo si xun diinta u adeegsadaa waa sixiroole  waana Shaydaan, dad iyo diinba burburinaya, ALLENA WAA UU INOOGA DIGAY, Tusaalooyina waa uu ina siiyay.

.Diinta Ilaahay wanaag, khayr, Ilaah oo kaligii la caabudo, kaligii laga baqo, xasilooni, soo dhawayn , naxariis, nabad, cadaalad, wada tashi, kibir-la’aan, xaqa oo si cad loo sheegi karo, wax-bixin, nolol, dulmiga oo laga dhiidhiyo, xaqa oo loo halgamo, walaaltooyo, sinaan, samo oo dhan ayaa dadku uugu yimaad.

*Diinta shaydaanka, nacayb, xumo, caga-juglayn, waxa aad tabanayso ma sheegi kartid, kibir, xoolo diin lagu dhaco, diin wax lagu dulmo, maskaxdoo lagaa xado, ha fikirin, anakaa kuu fikirayna, xuquuq-la’aan, naxariis daro, dulmi,  kala sarayn,  yasid, car-hadal, baqe , colaad, sixir, wadaad la caabudo oo lago baqo, fogayn, gacan-gudhan, kala firdhin, kooxaysi, halaag, iyo shar oo dhan ayaa ku sugan.

*Dadku sidiisaba ma diin la’aan karo, waa abuurta aadamaha in uu meel uun cuskado, oo cibaadadiisa dhinac uun u leexiyo.  Haddii aanu diintii xaqa ahayd haysan , waxa uu haystaa diin baadil ah, ama waxa uu haystaa diintii xaqa ahayd oo kuhaan ama sixiroole leexiyay .

*Diinta xaqa ah ee Alle u soo dhiibay Nabiyada, waxa dadka wada, ama fidinaya, laga bilaabo Anbiyada astaan u ah:

(ما اسالكم عليه من اجر ان اجري الا على رب العالمين)

( idinkama waydiisanayo (diinta) mushqaayad, e mushqaayadayda Rabiga Caalamiinta ,ayaa isiinaya)

Waxa kale oo Alle yidhi:

(يا ايها النبي حسبك الله  ومن اتبعك من المؤمنين)

[Nabi (Allow), Ilaahay ayaa adiga kugu filan, iyo muuminiinta ku raacdaba]

Markaa Ilaahay ayaa Nabiga ku filan oo u balan qaaday, muuminiinta raacdana Ilaahay ayaa ku filan oo u balan qaaday, abaalkooda oo dhana Ilaahay kalidii ayay ka rabaan oo u balan qaaday, dad iyo makhluuq waxba kagama raadsadaan, diinta ay fidinayaan, mushqaayadna kama doonaan. ALLAA KU FILAN OO AY KU KALSOONYIHIIN.

*Kuhaanku se jeebka dadka iyo hantidooda ayuu ku socdaa, diinta ayuu xoolo ku raadsadaa, hantida dadka ayuu si BAADIL ah u cunaa, sidii, in badan oo AXBAARTA AHLUL KITAABKA ka mid ihi , yeeli jireen. Waana dad aftahana oo aad nafta bani aadamka u yaqaan, oo Sixiroola ah. Qofka la dagayaana isaga oo isle diin ayaad u shaqaynaysaa, ayuu u hurayaa naf iyo maalba sixiroolaha.

*Shayaadiintaasi, waxa ay fidinayaan wax colaad dhex dhigaya qofka iyo cida uu  jecelyahay, sida xaaskiisa, ehelkiisa, bulshadiisa muslinka ah, bal e, waxa uu dhacsiinayaa ( qofkan uu dagayo) in uu ku liibaanyo naftiisa oo uu iska qaado.

Waxa Alle tusaale lagu cibro qaato inooga dhigay:

Kuhaanada , shayaadiinta ah , ee jin iyo insiga leh , ee Nabi Saleebaan dabadii,  dadka diinta ku dagayay iyo kutubta leexsan.  Waxa  kale oo Alle inoo sheegay in  uu soo dajiyay  laba malag.  Labada malag waxa ay u caddeenayeen dadka , sixirka  kuhaanadu adeegsadaan, iyo sida dadka uu u kala irdheenayo, ninka iyo xaaskiisa, Waxana ay dadka u cadaynayeen  diinta qaldan, iyo sixirka ay adeegsadaan, kuhaanta iyo saaxiriinta, dadka colaada dhex-dhigaa, e diin uga dhigayaan , e  diintii xaqa ahayd kaga leexinayaan. waxana ay u kala cadaynayeen, been abuurka shayaadiinta, iyo  xaqa , iyo sixirka oo ay tusayeen, in uu wax burburinayo, oo qoysaska iyo dadkaba burburinayo, iyaga oo uga digaya inay ku gaaloobaan.

WAA TUSAALE QARNI KASTA SOO NOQNOQONAYA OO IN MUUMINIINTU KA FEEJIGNAADAAN, ALLE INOOGU SHEEGAYO.

Waxana waajib ah, in aynu  daw kasta oo qaldan umadeena ka  waanino, cid kasta qaladku ha ka dhacayo eh

Qurayshi iyaguna, diin qaldan ayay haysteen, jin iyo shayaadiin  ayay aaminsanaayeen, kuhaano been low ah ayaa Quraysh sanamada u hayay oo xoolo ku cuni jiray. Quraysh qudheedu xaramkaa ay fadhido, ee dadku imanayo, ayay xoolo badani  ka soo galayeen ,  siyaalo badan.  Diintaa baadilka ah, ee ah tii shaydaanka, ayaa uu Nabigii scw, ka buriyay, waxana uu ugu baaqay diinta xaqa ah ee aan dadka xoolo lagaga doonayn.

Siyaala kala duwan ayaa Ilaahay Quraanka wax inoogu sheegay, si aynu iskaga jirno SHAYAADIINTA LEH INSI IYO JIN BA. Waxa Alle inoo sheegay in sixirka shaqadiisu gaalnimo tahay, dadka wadana aan la raacin.( Imaamka Aljasaas ayaa tafsiirkiisa ku fasira hadalka Ilaahay ee (فلا تكفر)  in  uu tusayo, in “hawshaa sixirku gaalnimo tahay”).

{ وَٱتَّبَعُوا۟ مَا تَتۡلُوا۟ ٱلشَّیَـٰطِینُ عَلَىٰ مُلۡكِ سُلَیۡمَـٰنَۖ

وَمَا كَفَرَ سُلَیۡمَـٰنُ وَلَـٰكِنَّ ٱلشَّیَـٰطِینَ كَفَرُوا۟ یُعَلِّمُونَ ٱلنَّاسَ ٱلسِّحۡرَ وَمَاۤ أُنزِلَ عَلَى ٱلۡمَلَكَیۡنِ بِبَابِلَ هَـٰرُوتَ وَمَـٰرُوتَۚ وَمَا یُعَلِّمَانِ مِنۡ أَحَدٍ حَتَّىٰ یَقُولَاۤ إِنَّمَا نَحۡنُ فِتۡنَةࣱ فَلَا تَكۡفُرۡۖ فَیَتَعَلَّمُونَ مِنۡهُمَا مَا یُفَرِّقُونَ بِهِۦ بَیۡنَ ٱلۡمَرۡءِ وَزَوۡجِهِۦۚ وَمَا هُم بِضَاۤرِّینَ بِهِۦ مِنۡ أَحَدٍ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَیَتَعَلَّمُونَ مَا یَضُرُّهُمۡ وَلَا یَنفَعُهُمۡۚ وَلَقَدۡ عَلِمُوا۟ لَمَنِ ٱشۡتَرَىٰهُ مَا لَهُۥ فِی ٱلۡـَٔاخِرَةِ مِنۡ خَلَـٰقࣲۚ وَلَبِئۡسَ مَا شَرَوۡا۟ بِهِۦۤ أَنفُسَهُمۡۚ لَوۡ كَانُوا۟ یَعۡلَمُونَ }

[سُورَةُ البَقَرَةِ: ١٠٢]

“Waxa ay raaceen,ta shayaadiintu ka akhriyayso(sheegayso),boqortooyadii sulaymaan. sulaymaana ma gaaloobin, e shayaadiinta ayaa gaaloobay, waxa ay dadka barayaan sixirka, iyo waxii lagu soo dajiyay labadii malag, magaalada Baabil, ee Harut iyo Marut. Mana ay barayn ( labada malag) qof, ilaa ay ku yidhaahdaan, fitno ayaanu nahay e ha gaaloobin, waxana ay (ka) baranayeen, wax ay ku kala firdhiyaan qofka iyo xaaskiisa,  mana ay ahayn qaar wax ku yeelaya (sixirka) cid, Alla oo ogolaada mooyaan eh. Waxana ay baranayeen  wax waxyeelaya (iyaga) , oo aan wax tarayn. Waanay ogaayeen, in cida waxaa gadataa  aanay aakhiro wax nasiiba ku lahayn. Wallee  Waxa xumaaday, waxa ay gateen, e naftoodii dhaafsadeen, haday wax ogaan lahaayeen.”

 

(وكذلك جعلنا لكل نبي عدوا، شياطين الانس والجن يوحي بعضهم الى بعض زخرف القول غرورا،  ولو شاء ربك ما فعلوه فذرهم وما يفترون)

(Sidaas ayaanu Nabi kasta cadaw ugu yeelnay, shayaadiin insi iyo jin ah, oo midba mid, u gudbinayo hadal qurxoon, oo dagma ah, hadii Rabigaa doono ma ay faleen sidaas, e iskaga tag (iyaga) iyo been abuurkooda)

 NABI KASTAA WAXA UU LEEYAHAY CADAW SHEEDAAN AH, OO INSI IYO JINBA LEH, OO XAQA UU SHEEGAYO LEEXIYA OO BULSHADA WAX QALDAN, DIIN UUGA DHIGA.

Shayaadiinta sixiroolaha ihi waxa ay dagaan (khiyaameeyaan) had iyo jeer dadka nugul ( vulnerable), ee war mooga ah, sida da’yarta iyo haweenka.  Ta kale waynu ognahay oo shaydaanku qof kasta in uu leexeyo ayuu doonaa.

Waa in qofka muslin ihi kobciyaa aqoontiisa diimeed, oo ka gaashaantaa shayaadiinta, sixir-lowga ah. SI ISAGA OO DIIN RAADINAYA NAFTIISA IYO TA MUSLIMIINTABA AANU U HALAAGIN.

W/Q; Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray.

Alla mahad leh.

COMMENTS
LINKS