Maxaa Ku Cusbaa Wada-hadalada Somaliland Iyo Somaliya Ee Djibouti? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Ku Cusbaa Wada-hadalada Somaliland Iyo Somaliya Ee Djibouti?
December 31, 2023 - Written by Editor:

Dalka Djibouti waxa shirar socday laba maalmood 28 iyo 29/Dec/2023 lagu gudoonsaday in dib loo bilaabo wadahadaladii Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada somalia oo ay ugu dambaysay 18 June 2020 .

Haddaba waxa isweydiin leh wadahadalada hadda la bilaabayaa maxay kaga duwan yihiin wadahadaladii soo bilaabmay July 2012 ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyada federaalka soomaaliya?

1- Waa markii ugu horeysay ee la isla qaatay in laga hadlo arimaha masiiriga ah oo macnaheegu yahay ;

  1. b) Dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland .
  2. t) Midnimada Jamhuuriyadii Soomaaliya.

2- Waa markii ugu horaysay ee wadahadalada uu saxeexo wasiirka arimaha gudaha jamhuuriyada Somaliland halkii kuwii hore ay saxeexi jireen wasiirada arimaha dibada jamhuuriyada Somaliland.

3- Waa markii ugu horeysay ee nuqulada wadahadalada lagu qoro ( Gobolada waqooyi ) oo ah magac aan lahayn sharciyad qaanuuni ah .

SIDEE U MIDHO DHALI KARAAN WADAHADALADA SOMALILAND IYO SOMALIA EE DJIBOUTI ?

Marka aynu ku horeyno dhismaha wadamada wadahadaladu dhex marayaan oo salkeedu yahay waxay ku taagan yihiin oo ugu sareeya waa dastuuro ( constitution) oo dhigaya sida tan ;

  1. b) Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 1aad faqrada 1aad iyo 2aad iyo qodobka 2aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland faqradiisa 1aad ilaa 3aad oo dhamaantood adkeynaya madax banaanida qaranimada jamhuuriyada Somaliland ee sharciyeed iyo tilmaanta qaanuuniga ah juquraafiyeed ( dhulka ).
  2. t) Dastuurka Jamhuuriyadda federaalka soomaaliya ee kumeel gaadhka ahi waxa uu dhigayaa qodobkiisa 1aad faqradiisa 3aad in ay tahay gobanimada iyo midnimada jamhuuriyada federaalka soomaaliya laguma-xad gudbaan.

Sidoo kale qodobka 7aad ee dastuurka jamhuuriyada federaalka soomaaliya faqradihiisa 1aad ilaa 5 aad baa iyaguna qeexaya xuduudaha, midnimada, gobanimada , Dhulka kuwaasi oo dhamaantood ku sheegan laguma-xad gudbaan.

Haddaba marka aynu is barbar dhigno ka hadalka iyo ka tanaasulka arimaha masiiriga ah  dhinacyada wadahadlaya qaybo ka mid ah hadii ay dhacaan ayuun baa natiijo la gaadhayaa ;

Tusaale;

Waftiga jamhuuriyada Somaliland kama tanaasuli karaan qodob dastuuri ah waayo dastuurka jamhuuriyada Somaliland waxa lagu ansixiyey afti dadweyne hadii loo baahdo in wax laga badelo ama qodobo ka mid ah laga tanaasulo waxaa lagu badeli karaa uun afti dadweyne oo laga qaado dadka jamhuuriyada Somaliland.

Laakiin dastuurka jamhuuriyada federaalka soomaaliya kuma taagna afti dadwayne sidoo kale mana aha dastuur dhameystiran oo wali waa kumeelgaadh markaa dhinaca tanaasulku in uu noqonayo ayey u eeg tahay dhinaca jamhuuriyada federaalka soomaaliya si deg-deg looga midho dhaliyo wadahadalada loo balansan yahay.

MAXAA LAGA FILAYAA DHINACYADII SHIRKA DJIBOUTI KA QAYB GALAY ?

Waxa laga filayaa in dhinaca Somaliland madaxweynaha iyo goleyaasha baarlamaanka dalku ( Guurtida & wakiilada) yeeshaan kulano degdeg ah oo lagu gorfeynayo xaaladaha taagan iyo ka hadalka arimaha masiiriga ah waxna la isla qaato lagu gole fadhiisto.

Dhinaca soomaaliya na waxa qasab ah in uu madaxweynuhu isugu yeedho labada aqal ee baarlamaanka oo uu ka soo qaato kalsooni uu ku meel mariyo waxii uu u arko xal iyo in ay yihiin arimaha masiiriga go’aan laga gaadho.

Waxaana aynu sugi doonaa sanadka 2024 dabayaaqada bisha Jan siday wax uga suurtogalaan waxii la iskula qaatay Djibouti 29 Dec 2023 insha Allah.

Qalinkii: Mohamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS