Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Oo Hoygiisa Ku Booqday Suldaan Xasan Suldaan Nuur Askar Oo Kamid Ah Madaxdhaqameedka Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Oo Hoygiisa Ku Booqday Suldaan Xasan Suldaan Nuur Askar Oo Kamid Ah Madaxdhaqameedka Somaliland
March 18, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Musharraxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa galabta hoygiisa booqasho iyo salaan ugu tagay Suldaan Xasan Suldaan Nuur Askar .

Musharraxa iyo Suldaanku  waxa ay si qoto dheer uga sheekeysteen xaaladda guud ee dalka, deegaanada Gobollada galbeedka gaar ahaan Gebilay iyo Wajaale.

Kulanka Murashaxa iyo Suldaanka ayaa waxaa ku weheliyay Gudoomiyaha  Degmada Ibraahim Koodbuur Ee Xisbiga Waddani Cabdifataax Cali Cabdilaahi kaasi oo ku soo gebo  gaboobay jawi isfaham iyo wada-shaqeyn.

COMMENTS
LINKS