Ciidanka Booliska Gobolka Saaxil Oo Gacanta Kusoo Dhigay Askari Ciidamada Asluubta Katirsan Oo Saaka Magaalada Berbera Ku Toogtay Wiil 18jir Ah! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Booliska Gobolka Saaxil Oo Gacanta Kusoo Dhigay Askari Ciidamada Asluubta Katirsan Oo Saaka Magaalada Berbera Ku Toogtay Wiil 18jir Ah!
March 18, 2024 - Written by Editor:

BERBERA(W,N)-Warbixin:- Ciidamada Booliska JSL , garahaan Qaybta Gobalka Saaxil  ayaa gacanta kusoo dhigay edeysane K/ koobaad Rooble Xasan Gadiid oo 52 jir ah ,  kaasi ku eedaysan inuu  dilay Marxuum Khaalid Maxamed Salaax oo 18jir ah Maanta  abbaaro 11:30 duhurnimo. Eedaysanaha ayaa ka tirsanaa Ciidanka Asluubta ee Jeelka Magaalada Berbera.

Hawlgallo iyo dedaal dheeriya Ciidanka Boolisku sameeyay ayaa lagu soo qabtay deegaanka Dubaar oo  koofur bari  kaga  beegan Magaalada Berbera 15KM halkaasi oo u baxsaday. waxaanu hadda ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska , iyadoo degdeg loo horgayn doonaa sharciga marka baadhistu dhammaato.

Taliska Ciidanka Booliska JSL , waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskii uu ka baxay marxuumkaasi .ان لله وانا اليه راجعون

Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL .

COMMENTS
LINKS