Xageebay Ku Danbaysay Gudidii Madaxwayne Biixi Uxil Saaray Dhacdadii 25kii August Iyo Dhibtadii Ciidamada Qaranka Soo Gaadhay? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xageebay Ku Danbaysay Gudidii Madaxwayne Biixi Uxil Saaray Dhacdadii 25kii August Iyo Dhibtadii Ciidamada Qaranka Soo Gaadhay?
March 18, 2024 - Written by Editor:

Shacabka Reer Somaliland Ayaa Wali Ka Dhursugaya Jawaabta Gudidii Uu Madaxwaynaha Jsl Uxil Saaray Dhibtii 25kii August Ciidamada Qaranka Kasoo Gaadhay Dagaalkii Laascanood Taasi oo haatan laga joogo mudo todoba bilood ku dhow amaba 205 maalmood kuwaasi oo aan wali laga haynin wixii sobobay jabkii ciidamada qaranka soo gaadhay ee keenay in ay kazoo baxaan fadhiisimihii duleedka laascanood iyo taliskii Gooja cade iyadoo ciidamada qarankana dagaalkaa lagaga qabtay ciidamo tiro badan oo hada maxaabiis ku ah jeelasha ay gacanta ku hayaan huwantii la wareegtay laascanood islamarkaana ehelada saraakiisha iyo askarta la qabtay ay werwar ku haysto iyaga iyo guud ahaan shacabka somaliland.

COMMENTS
LINKS