“Madaxweyne Maxaad Ku Ilowday Maxaabiista Laascaanood Ku Xidhan” Aabo Cabdi Ciise Kabadhe. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxweyne Maxaad Ku Ilowday Maxaabiista Laascaanood Ku Xidhan” Aabo Cabdi Ciise Kabadhe.
March 20, 2024 - Written by Editor:

Hargeysa,(W,N)- Muddo sannad ah ayaa ka soo wareegtay inta Maxaabiista ciidamada Qaranka Somaliland ku xidhan yihiin Xabsiyada Laascaanood, isla markaana  xadhiga ay u dheer tahay duruufo kala duwan iyo xaalado nolol xumo.

Maxaabiista ciidanka Somaliland ee ku xidhan xabsiyada magaalada Laascaanood ayaa isugu jira, waayeel iyo dhallinyaro, kuwaas qaar ka mid ahi nolosha qoysaskooda Laf-dhabar u ahaayeen, halka dhallinyaraduna waalidkooda u ahaayeen iftiinkiii noloshooda.

Aabo Cabdi Ciise Kabadhe, waxa uu ka mid yahay waalidiinta dhallinyaradoodu ay ku xidhan yihiin xabsiyada Laascaanood, waxa welwel iyo walbaahar ku haya xidhnaanshiyaha wiilkiisa oo maxbuus u noqday difaaca dalkiisa.

Aabo Cabdi Ciise ayaa waxa uu sheegay in xannuunka xidhnaanshiyaha wiilkiisa ay u sii dheer tahay ka aamusnaanta ciidankeeda Jeelasha Laascaanood ku jira dowladdii furimaha u gaysay difaaca dalka.

Aabahan oo wajigiisa aad ka akhrisanayso xannuunka uu ka hayo xidhnaanshiyaha maxaabiista wiilkiisu ka mid yahay ayaa baaq qaylo dhaana u diray, madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka, golaha wasiiiradda, golaha guurtida, golaha wakiillada, taliyayaasha ciidamada, waxaanu su’aal geliyay sababta looga aamusan yahay ciidamada inta nool ee Xabsiyada Laascaanood ku jirta.

Waxaanu yidhi.“Jawaab deg deg ah ayaanu rabnaa, dowladay, madaxweynahow, guurtiyay, wakiiloy, wasiiradow, raggayaga maxaabiistu ka xidhan tahay ee Laascaanood ku xidhan tahay.

Maxaabiista Laascaanood ku xidhan si deg deg ah haddii looga soo jawaabi waayo mudaharaad ayaanu sameynaynaa, bulshadanu kicinaynaa, jawaab deg deg ah ayaanu sugeynaa”.

Aabo Cabdi isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu sheegay in wiilkiisa, ka uu awoowga u yahay iyo maxaabiiskale oo badani ay ku jiraan jeelasha Laascaanood, waxaanu si dareen taabasha leh u weydiiyay dowladda JSL, sababta ay u dagaalamayeen.

Waxaanu yidhi .“Aabahan, ragga xidhxidhan waxa ka mid ah wiilkaygii, kaan awoowga u ahaa, ragga xidh xidhan waxa dowladdu ku ilowday waa maxay ee Laascaanood ku xidhan?.

Wali maanan maqal guurti ka hadashay, wakiillo ka hadlaya, madaxweyne ka hadlaya, wasiiro ka hadlaya, raggan miyaa laga maarmay? Dowladdu hanoo sheegto oo waanu ka maaranay hana tidhaahdo.’

Maxay raggu u dagaalamayeen? Miyaaney dalkooda u dagaalameyn, kii u dagaalameyay waxa ay uga hadli wayday dowladdu hanoo sheegto,”

Aabo Cabdi waxa uu xusay in calooshu ay ka xannuunto, wiilkiisa Maxbuuksa iyo wiilasha kale ee ku jira jeelasha Laascaanood.

Waxaanu yidhi. “Aabayaal ayaanu nahay maalinkasta caloosha ayaa naga xannuunaysa, waanu ooyaynaa, maxay raggu ku sugan yihiin ayaanu leenahay, dowladdu maxay ku uilowday, muxuu madaxweynuhu uga hadli waayay? Maxay guurtidu uga hadliwayday?  Madaxweyne ku xigeenku muxuu uga hadli waayay? Golaha wakiilladu maxay uga hadli waayeen? Golaha wasiiraddu maxay uga hadli waayeen? Hanoo sheegto dowladdu waxay uga hadli waayeen? Taasi ayaanu uga fadhina, raggan raggoodii ka xidhan yahay wuu ooyayaa, wali cid ka hadlaysa maanaan arag, wali sideed tihiin nalama odhan, wali dowladdu namay odhan waar raggi, raggu ka xidhna meeye? Dowladdu sababta ay uga hadli laadahay waa maxayde? Hanoo sheegto dowladdu waxa ay uga hadli laahaday? Miyaanaan muwaadiniin ahayn? Raggu waxay u dagaalamayeen hanoo sheegto?”

Cabdi waxa uu sheegay in mudada ay maxaabiistu ku jirtay Jeelasha Laascaanood aanay arag cid kala hadasha.

Waxaanu yidhi. “Hadda muddo sannad ku dhaw ayay xidhan yihiin raggu, wali cidka hadlaysa majirto, inamada naga xidhan waanu wada hadala, waxay ku sugan yihiina ILLAAHEY-ba og,”

Geesta kale waxa uu su’aal galiyay sababta siidaynta maxaabiista looga wada hadli waayay waxa ay tahay.

Waxaanu yidhi.“Labada dhinac maxay uga wada hadli waayeen maxaabiista xidhan sidii la isu dhaafsanlahaa, waa ubadkayagii waanu u baahanahay, in laga wada hadlo miyaanay ahayn, oo Qaramada Midoobey kawada hadasho, waar dowladdu haddii ri halkaasi lagu jiidho way ka hadashaa, maxaabiistan maxaa looga hadli waayay, ri haddii halka lagu jiidho dowladdu way ka hadashaaye, ma Dameer heeryadii laga dhigtay ayay ubadkayagii noqdeen”

COMMENTS
LINKS