Guddida Farsamo Ee Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya Oo Kulamo la Qaatay Dalladaha SONSAF Iyo SONYO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddida Farsamo Ee Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya Oo Kulamo la Qaatay Dalladaha SONSAF Iyo SONYO
March 23, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Guddidii farsamo ee madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland u igmaday heshiiskii dhawaan dhex maray dawladaha Somaliland iyo  Ethiopia, ayaa maanta kulamo la qaatay dalladda dhallinyarada somaliland ee SONYO iyo jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF.

Kulankan ayey guddidu madaxda dalladaha SONYO iyo SONSAF uga warbixiyeen hawlaha loo igmaday, waxana ay ka dhegaysteen talooyin la xidhiidha hawsha guddidu gacanta ku hayso.

Sidoo kale, waxa kulanka ku sugnaa xubno aqoonyahanka dalka kamid ah oo talooyin iyo waayo aragnimo la xidhiidha hawlaha xog ururinta ah ee guddidu waddo ku saabsan.

COMMENTS
LINKS