Somaliland Iyo Itoobiya Oo Ka Shiray Sidii Looga Hortagi Lahaa Xanuunka Shuban Biyoodka Ee Ka Dilaacay Magaalo Xuduudeedka Wajaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Iyo Itoobiya Oo Ka Shiray Sidii Looga Hortagi Lahaa Xanuunka Shuban Biyoodka Ee Ka Dilaacay Magaalo Xuduudeedka Wajaale.
March 24, 2024 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)- Masuuliyiin ka kala Socda Wasaaradaha Caafimaadka Ee Somaliland iyo Maamulka Dawlad Deegaanka Itoobiya ayaa maanta Magaallo Xudduudeedka Wajaale ku yeeshay  kulan labba geesood ah oo u dhaxeeya Bahda Caafimaadka DDS iyo Somaliland.

Waftigan oo ay kala hoggaaminayaan wasiir ku-xigeen-ka Xafiiska Caafimaadka DDS Marwo Xaawo Sulayman iyo Wasiir Kuxigeen-ka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Mudane, Libaan Yuusuf Gaaxnuug.

Ujeedada kulan-kan ayaa daarnaa sidii la iskaga kaashani lahaa Xanuunka Daacuun Calooleedka oo Wajaale ka dilaacay. ( Cholera outbreak )

Waftigan ayaa ugu horeyn ka dhagaystay warbixinta xaalada xanuunka, maamulada labbada daamood ( Wajaale DDS iyo Wajaale Somaliland )

Wasiir Kuxigeen-ka Xafiiska Caafimaadka DDS Marwo; Xaawo Sulayman oo furtay kulan-kan ayaa tidhi,waa in aynu si wadajir ah uga hortagno faafida xanuunka,

Madaama magaaladu xudduud tahay labbada shacabna is dhex-socdaan waxaa si dhibyar u faafikara xanuunka, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in Bulshada labbada dhinacba la siiyo wacyi-galin joogta ah si uusan xanuunku u geysanin khasaaro baddan.

Waxaa isna geestiisa ka hadlay wasiir Kuxigeen-ka wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo sheegay inay ka shaqeyn donnaan sidii usan xanuunkani ugu fiddi lahayn bulshada labbada dhinacba.

Kadib markii uu kulan-ku soo dhammaaday waxaa lasoo indha indheeyey xarunta caafimaadka wajaale oo laga sameeyey goob lagu Daaweeyo Dadka uu xanuunku haleelo.

Ugu dambeeyn Marwo Xaawo Sulayman ayaa Maamul Magaallada wajaale ku wareejisay Daawooyin Gurmad ah oo Xafiiska Caafimaadka DDS ugu talagalay daaweynta, Xanuunka Daacuun Calooleedka,kuwaasi oo iskugu jira Qalab, Dawooyinka Dareeraha’ah iyo Xanuun baabi’iyayaal.( Equipments Fliud Antibiotics ).

COMMENTS
LINKS