Taliska Ciidanka Booliska Ee Gobolka Hawd Oo Ka Hadlay Dil Habeenkii Xalay Ka Dhacay Magaalada Baligubadle! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliska Ciidanka Booliska Ee Gobolka Hawd Oo Ka Hadlay Dil Habeenkii Xalay Ka Dhacay Magaalada Baligubadle!
March 26, 2024 - Written by Editor:

Waxa xalay magaalada Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd ka dhacay arrin markaliya naxdin iyo amakaag ku riday qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baligubadle.

Taliyaha ciidanka qaybta booliska gobolka Hawd gaashaanle dhexe Cabdillaahi Gadhyare, ayaa sheegay in marxuumad Nadiira Xuseen Ibraahim ay midi ku dishay   eedeysane Nuura Maxamed Maxamuud Haybe.

Taliyuhu waxa uu sheegay in labada habloodba ay haysteen meherado, isla markaana midna danta Itoobiya ku haysatay midna dhinaca Somalilandta, waxaanu xusay in hadda ay wadaan baadhitaan la xidhiidha sababta dilka keentay.

COMMENTS
LINKS