𝙃𝘼𝙇𝙆𝙐𝙐 𝙆𝙐 𝘿𝘼𝙈𝘽𝙀𝙀𝙔𝙀𝙔 𝘿𝙄𝙇𝙆𝙄𝙄 𝘾𝘼𝘽𝘿𝙄𝙉𝘼𝘼𝙎𝙄𝙍 𝙈𝙐𝙐𝙎𝙀 𝘾𝘼𝘽𝘿𝙄𝙍𝘼𝙓𝙈𝘼𝙉 𝘿𝘼𝙃𝘼𝘽𝙇𝙀 ? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
𝙃𝘼𝙇𝙆𝙐𝙐 𝙆𝙐 𝘿𝘼𝙈𝘽𝙀𝙀𝙔𝙀𝙔 𝘿𝙄𝙇𝙆𝙄𝙄 𝘾𝘼𝘽𝘿𝙄𝙉𝘼𝘼𝙎𝙄𝙍 𝙈𝙐𝙐𝙎𝙀 𝘾𝘼𝘽𝘿𝙄𝙍𝘼𝙓𝙈𝘼𝙉 𝘿𝘼𝙃𝘼𝘽𝙇𝙀 ?
March 27, 2024 - Written by Editor:

Waxay ahayd 17 February 2024 markii dil qorsheysan oo foolxun loogu geystay magaalada Muqdisho marxuun Cabdinaasir Muuse Cabdiraxman oo ahaa khabiir ka shaqeyn jirey maamulka hawada iyo hagida diyaaradaha.

Waxaa dilkii Cabdinaasir ka soo wareegay mudo bil iyo toban cisho ah ilaa haddana wax war iyo weecaal ah oo arinkaasi ka soo baxay ma jiro , aan aheyn dadkii ehel u xigey oo ahaa shaqaalihii ay wada shaqeynayeen in loo xidhay.

Shanta qof ee dilka Cabdinaasir loo xidhay waxay ka soo jeedaan Somaliland, sida muuqanaysayna dilka marxuunkaasi waxa uu ahaa dil qorsheysan oo dawladi fulisay .

Markaa sinaba la isuguma halayn karo in cadaalad laga helo kuwii diley ee sida binu-adenimada ka baxsan taarka qoorta ugaga maroojiyey , waana ayaan darro in durba aad moodo in la iloobay !

Dacwada marxuun Cabdinaasir Muuse waxaa loo baahan yahay in aan kiiska la dhayalsan oo aan sidaa lagaga hadhin ee aduunka loo bandhigo , oo loo qabto garyaqaano ( lawyers ) caalami ah iyo qaar somali ahba .

Qofwaliba waxa uu xaq u leeyahay nolol iyo geeriba in uu cadaalad helo , waxa aan soo jeedinayaa in gudi ka kooban ehelkii iyo mid xukuumadeed ba la isku daro oo qadiyada dilka arxanka daran ee loo geystay walaalkeen lagu soo rido jidka xaqa iyo cadaalada.

Alle ha u naxariisto,

W/Q: Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil.

COMMENTS
LINKS