SOMALILAND OO LOOGU BAAQAY IN AY SOO AFJARTO XIDHIIDHKA DAWLADA JABUUTI ! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SOMALILAND OO LOOGU BAAQAY IN AY SOO AFJARTO XIDHIIDHKA DAWLADA JABUUTI !
March 29, 2024 - Written by Editor:

Warar aan la axqiijin, laakiin aad u faafay ayaa waxa ay sheegayaan in kaligii Taliyaha Djibouti Ismael Omar Guelleh uu u soo bandhigay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed hindise lid ku ah heshiiska is- afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland, hindisahaas oo ah in Djibouti ay siinayso Itoobiya dhul badeed ay ku tababartaan ciidamada Itoobiya.

Itoobiya aad ayay u adagtahay in ay aqbasho qorshaha Djibouti,iyada oo u aragta Djibouti in aanay isku halayn karin,tusaalana ay u tahay sida ay usoo eriday shirkadda DP World.

Intaa waxa dheer, markii Ra’iisal Wasaaraha Djibouti Abiy Ahmed uu heshiiska la galay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland H.E Muse Bixi, ayaa waxa uu Abiy u sheegay Bixi in uu doonayo in uu yareeyo isticmaalka biyaha Djibouti ee ay isticmaasho Itoobiya.Sababta Djiibouti uga baryayso Itoobiya in ay bilaash ku qaadato qaybo ka mid ah badeeda aya ah in Djibouti u aragto aqoonsiga Somaliland mid khatar ku ah dhaqaalaheeda iyo nolosha dadkeeda ku nool Djibouti labadaba.

Wasiirka Arimaha Dibadda Djibouti Mohamoud Ali oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dawladiisa  ay dhexdhexaadinayso Itoobiya iyo Soomaaliya, si loo ilaaliyo waxa uu ku sheegay madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya,isaga oo sidoo kale sheegay in aanu jirin heshiis rasmi ah oo ilaa hadda dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.

Qore: Ahmed Aadam

COMMENTS
LINKS