Hogaamiyaha Sare Ee Dalka Iraan Oo Hanjabaad Culus Udiray Israa,iil | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hogaamiyaha Sare Ee Dalka Iraan Oo Hanjabaad Culus Udiray Israa,iil
April 11, 2024 - Written by Editor:

Hoggaamiyaha sare ee Dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa Arbacada mar kale uga digay Israel in “lagu ciqaabi doono” weerarkii cirka ee Dimishiq ee lagu dilay 7 ka tirsan Ilaalada Kacaanka, oo laba ka mid ah ay ahaayeen jeneraalo.

“Maamulka sharta ah wuu ku khaldamay arrintan, waa in la ciqaabaa, waana la ciqaabi doonaa,” ayuu Khamenei ku yiri khudbad uu telefishinka ka jeediyay salaadii Ciidul-Fitri ee Tehran kadib.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israel, Israel Katz ayaa si deg deg ah wuxuu dib ugu daabacay qoraalkaas oo luuqadda Farsiga ahaa bartiisa X.

“Haddii Iran ay dalkeeda ka soo weerarto, Israel way ka jawaabi doontaa oo weerari doontaa Iran,” ayuu yiri.

Khamenei waxa uu sheegay in weerarkii 1-dii April, kaas oo dhulka la simay dhismaha 5-ta dabaq ee qunsuliyadda Iran ee ku taalla caasimadda Suuriya, uu jebiyey heshiisyada caalamiga ah oo dhigaya in aan lagu xad-gudbin karin xarumaha diblomaasiyadda.

“Xafiisyada qunsuliyadda iyo safaaradaha dal kasta waa dhul uu dalkaas leeyahay,” ayuu yiri. “Markii ay weerareen qunsuliyaddeena, waxay la macno tahay inay soo weerareen dhulkeenna.”

Khamenei ayaa saraakiisha Iran ku hogaamiyay ballamo is xigxigay oo ah in ay ka aargudan doonaan weerarkaas oo si weyn loogu eedeeyay cadowgooda ugu weyn ee Israel.

Mid ka mid ah la-taliyayaashiisa sare, Yahya Rahim Safavi, ayaa Axaddii ka digay in safaaradaha Israel “aysan hadda kadib ammaan ahayn.”

Israel ayaa todobaadkii hore sheegtay in ay xoojinayso difaaceeda isla markaana ay joojinayso fasaxa ay qaateen cutubyada dagaalka ka dib hanjabaadaha aargoosi ee Iran.

Iran dal ahaan uma aqoonsana Israel, waxaana labada dal dhexmarayey dagaal daahsoon muddo sanado

ah.

Iran ayaa ku eedaysay Israel inay ka dambaysay mowjado weeraro arbushaad ah iyo dilal qorsheysan oo lala beegsaday barnaamijkeeda Nukliyeerka

COMMENTS
LINKS