“Waxa Aan Usoo Jeedinayaa Xisbiyada/Ururada Siyaasadda Iyo Danneeyayaasha Somaliland In loo Diyaargaroobo Doorashooyinka, Iyada Oo Loo Tartamayo Si Xarago Iyo Xilkasnimo Leh”Sonsaf | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxa Aan Usoo Jeedinayaa Xisbiyada/Ururada Siyaasadda Iyo Danneeyayaasha Somaliland In loo Diyaargaroobo Doorashooyinka, Iyada Oo Loo Tartamayo Si Xarago Iyo Xilkasnimo Leh”Sonsaf
April 20, 2024 - Written by Editor:

Waxa aan soo dhawaynayaa go’aanka maanta ka soo baxay Guddida Doorashooyinka Qaranka ee ay si rasmi ah ugu muddeeyeen doorashooyinka isku-lammaan ee Madaxtooyada iyo Xisbiyada iyo Ururada Siyaasadda Qaranka JSL  in ay dalka ka qabsoomaan 13 November 2024.

Waxa aan sidoo kale ku kalsoonahay in Madaxweynaha JSL uu faafinta rasmiga ah ku soo saari doono muddo 15 cisho ah gudahood si waafaqsan Xeerka guud ee doorashooyinka Somaliland Xeer Lr. 91/2023.

Waxa aan ugu baaqayaa dhammaan saaxiibada Somaliland ee ka taageera doorashooyinku in ay markale si waafi ah u garab-istaagaan Guddida Doorashooyinka JSL si doorashooyinku ugu qabsoomaan wakhtiga la cayimay.

Qabsoomidda doorashooyinku waxa ay saldhig u yihiin nabadgalyo cago-adag ku taagan iyo dimuqraadiyad taabba-gasha, sidaa awgeed, waxa laga maarmaan ah in Somaliland joogtayso doorashooyinka iyada oo meesha laga saarayo dib-u dhacyada aan sharciga waafaqsanayn

Ugu dambayn waxa aan u soo jeedinayaa dhammaan Xisbiyada/ururada siyaasadda iyo danneeyayaasha Somaliland in loo diyaargaroobo doorashooyinka iyada oo loo tartamayo si xarago iyo xilkasnimo leh..

Gudoomiyaha Dallada Ay Ku Bahoobeen Ururada Aan Dawliga Ahayn Ee Sonsaf  Anwar.

COMMENTS
LINKS