Madaxweynaha Somaliland Oo Laga Dalbaday Inuu ka Hawlgalo Soo Daynta Maxaabiista Ciidamada Qaranka Ee Ku Xidhan Laascaanood .. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo Laga Dalbaday Inuu ka Hawlgalo Soo Daynta Maxaabiista Ciidamada Qaranka Ee Ku Xidhan Laascaanood ..
April 24, 2024 - Written by Editor:

Mudane Madaxweyne, waxa aannu si xushmad iyo qadarin leh kaaga codsanaynaa in aad si

buuxda uga hawlgasho sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista dagaalka ee laga haysto Somaliland

ee ku xidhan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Maxaabiistan xidhan waxa lagu qabtay dagaalkii dhacay 25 August 2023, maanta ilaa

maalintaasina waxay xidhnaayeen, runtiina waa waqti aad u dheer oo mudan in laga hawlgalo

sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista ciidanka qaranka JSL.

Mudane Madaxweyne, soo daynta maxaabiista waxa saldhig u ah nabadgelyo buuxda iyo

isfaham siyaasadeed oo la hirgeliyo, iyadoo aan loo baahnayn in arrintaasi la siyaasadeeyo, balse

loo baahan yahay in indho bani’aadanimo lagu eego, xalkoodana la raadiyo.

Waxaanan Madaxweyne ku rajo weynahay in aad aqbali doonto baaqa ku xusan warqaddan

furan, iyadoo aan Ilaahay SWT ka baryayo inuu hawshaas inoo wada fududeeyo.

Axmed Yuusuf Xuseen

Chairperson of COMPAD

Community development and human rights organisation

COMMENTS
LINKS