Weftigii Somaliland Ee Jabuuti Tagay Iyo Dawladda Jabuuti Oo Isku Mari Waayey Wadahadalo Ay Yeesheen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Weftigii Somaliland Ee Jabuuti Tagay Iyo Dawladda Jabuuti Oo Isku Mari Waayey Wadahadalo Ay Yeesheen.
July 5, 2014 - Written by Wariye:

waran cadeHargeysa(Wajaale News):-Weftigii Somaliland ee dhinaca Amniga ee kala ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade iyo Taliyayaasha Booliiska iyo Sirdoonka ee uu wehelinayey Xeer ilaaliyaha Guud ayaa lagu soo waramayaa inuu is faham waa dhex maray iyaga iyo dhigooda Jabuuti, kadib markii ay ka wadahadleen sidii loo furdaamin lahaa xuduudka xidhan.

Ma jiro war cad oo labada dhinac ka soo baxay, hase yeeshee wararka hordhaca ah ee laga helayo kulamadii ay labada dhinac yeesheen ayaa sheegaya in is mari waa ka taagan yahay furitaanka Xuduudka labada Dal u dhaxeeya iyo waliba saddexdii nin ee ay Somaliland u dhiibtay Dalkaasi oo la sheegayo Somaliland inay Dalbatay in dib loo soo celiyo.

Furitaanka Xuduudka labada Dal ayaa la sheegayaa Dawladda jabuuti inay gabi ahaanba diiday iyadoo ku sababaysay inuu amaankeeda khatar ku yahay, waxaana lagu soo waramayaa inay ku xidheen inaanay furayn illaa la baabi’iyo magaaladda lawyacado, taasoo ay dalbadeen in Saylac loo raro.

Sidoo kale, waxay shuruud ka dhigeen in dadka Reer Jabuuti ee sita Baasaaboorada Dalkooda Somaliland ka dhaafto lacagta laga qaado ee soddonka Doolar ah, taasoo ay ka cawadaan Dadka Reer Jabuuti marka ay ka soo talaabayaan Xuduudka iyo marka ay noqonayaanba.

Dhinaca Weftiga Somaliland oo aad u danaynayey furitaanka Xuduudka ayaan la garanayn jawaabta ay ka bixiyeen shuruudahan, wallow wararka aanu helaynaa ay sheegayaan inay safar dhinaca Dhulka ah ku iman doonaan magaalooyinka Saylac iyo Lawyacado si ay u sameeyaan suurtogalnimada shuruudaha ay Jabuuti ku xidhay.

Hore waxa ay dawladda Jabuuti dhawr jeer u codsatay in laga raro xadka magaaladda Lawyacado, hase yeeshee soo jeedintoodaas marna Somaliland may aqbalin, waxaanay ku noqotay mid aan meel mar ahayn maadaama Lawyacado ay ku taalo dhul Somaliland leedahay.

Marka laga tago arrimaha Xuduudka ee ay labada Dal ka wadahadleen, waxaan illaa hada Xog sugan laga haynin waxa ay labada dhinac ka yeeleen saddexdii Nin ee ay Somaliland u dhiibtay Dalka Jabuuti, kuwaas oo ay ka soo baxayaan warar kala duwan oo sheegaya in Somaliland Dalbatay in dib loogu soo celiyo Dalkeeda, halka Dawladda Jabuuti wararka ka soo baxayaa ay sheegayaan inay ka biyo diidsan tahay saddexda nine e loo soo gacan galiyey oo ay wararka dhinaca Sirdoonka ahi sheegayaan in aanay wax lug ah ku lahayn kiiska Qaraxii Jabuuti.

Wararka laga helayo qabashada Saddexa Nin ayaa lala xidhiidhinayaa in la isku beegay qaraxa iyo qabashadooda maadaama wararka la helayaa sheegayaan in saddexdan nin Sirdoonka iyo Hay’adda MI6 muddo lix bilood ah dabagal ku hayeen, kuwaas oo aanay wax talaabo ah ka qaadin qaraxa Jabuuti hortii.

Warar kale oo dheeraad ah ayaa sheegaya in labada Qof ee is qarxiyey aanay Somaliland ka talaabin wallow Jabuuti sheegtay inay Somaliland uga soo talaabeen, isla markaana Kooxda Al-shabaab sheegatay, inkasta oo ay jiraan warar sheegaya inay ahaayeen dad aan shaqo ku lahayn Alshabaab.

Saraakiisha sirdoonka ee Ajanabiga ee Somaliland ku sugan iyo Ciidamadda la shaqeeya ee ay samaysteen ayaa ku fashilmay hawlgalo badan oo noocan oo kale ah oo ay dad inta ay ku xidh xidheen hadana ku waayey Eedihii ay marka hore u tuhunsanayeen, waxaanay Dad badan oo faaleeya hawl-galada sirdoonadani sheegaan inay Guul daro ku danbeeyaan qorshayaasha ay Dadkaasi u maleegaan.

Si kasta ha ahaatee ma cada mawqifka Xukuumadda Somaliland ay ka taagan tahay dhiibista Saddexda Nin oo ay eheladooda iyo Mucaaradka Somalilandba ku eedeeyeen Xukuumadda inay sharci daro ku dhiibtay, iyagoo ku dooday inay ahayd in Dalka lagu baadho haddii danbigu ku cadaadaana Ciqaabtooda la mariyo.

 

 

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS