Mudaharaad lagaga soo horjeedo xuduudka xidhan oo Lawyacado ka dhacay iyo ciidanka oo rasaas u adeegsaday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mudaharaad lagaga soo horjeedo xuduudka xidhan oo Lawyacado ka dhacay iyo ciidanka oo rasaas u adeegsaday
February 27, 2015 - Written by Editor:

Lawyacado(Wajaalenews) dadweyne gadoodsan ayaa saaka mudaharaad ka dhigay magaaladda Lawyacado, halkaas oo ay Taayiro ku gubeen iyagoo ku dhawaaqayey erayo ay kaga soo horjeedaan Xadka xidhan ee ay wadaagaan Jabuutin iyo Somaliland.

lawyacado 1

Dadweynahan oo aad u kacsanaa ayey Ciidamadda Qaranka iyo kuwa Booliiska ahi u adeegsadeen Rasaas kadib markii uu xoogaystay Muadaharaadka ay dhigayeen, hase yeeshee wax khasaare ah lagama soo sheegin dhacdadan. Dadweynaha ayaa si watay Mudaharaadkooda, halka Ciidamaduna muddo dheer kula tacaalayeen rasaasta, taasoo aakhirkii kala dareerisay Mudaharaadayaasha.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inaanu xadku xidhnayn balse la adkeeyey Amaanka, halka Madaxa Somaliland hadalo kala duwan ay kaga jawaabeen xadhiga Xadka, hase yeeshee mudaharaadka ay dadweynuhu isugu soo baxeen ayaa caddeeyey in xadku xidhan yahay. Afar cisho ka hor ayaa la sheegay inay Jabuuti soo daysay dad ku xanibnaa xadkooda, hase yeeshee markii ay soo talaabeen waxa dib u celiyey ciidanka Somaliland, waxaanay wararku sheegayaan xadku in uu wali sidaas ku xidhan yahay.

 

COMMENTS
LINKS