Guddoomiyaha Gobalka Salal Oo Ka Dayriyay Xaalada Jidka Isku Xidha Magaalooyinka Saylac iyo Lawyacado. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Gobalka Salal Oo Ka Dayriyay Xaalada Jidka Isku Xidha Magaalooyinka Saylac iyo Lawyacado.
October 25, 2013 - Written by Wariye:

saylacSaylac(Wajaale News)-Badhasaabka Salal Cabilaahi Xuseen Maydhane (Cabdilaahi Qulujeed) ayaa ka dayriyay xaalada jidka isku xidha Saylac iyo Lawyacado waxana uu ku tilmaamay mid aad u burbursan oo dhabarjab ku ah dhaqaalaha degmada Saylac.
Jidkan waa burbursan yahay waxana halbawle u yahay ganacsi balaadhan dakhli badan oo soo gala
degamada, waxa kale oo uu jidkaasi dhib ku hayaa gaadiidka kala duwan ee xamuulka iyo rakaabka ee u kala goosha Saylac iyo Djibouti, sidaasi aawadee waxa aan xukuumada ku bogaadinayaa hawsha ay ka wado jidka Ceerigaabo, waxana aan u shegayaa in jidka isku xidha Boorama iyo Saylac ama Saylac iyo Lawyacado uu yahay mid u baahan inay u soo jeesato oo ay wax ka qabato? ayuu yidhi Badhasaab Qulujeed

 

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS