Shir La Qorshaynayay Inay Caawa Iskugu Yimaadaan Qaarkamida Xildhbaanada Golaha Wakiilada Ee Beesha Subeer Awal Oo Lagu Kala Kacay Iyo Waxa Uu Daarnaa!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shir La Qorshaynayay Inay Caawa Iskugu Yimaadaan Qaarkamida Xildhbaanada Golaha Wakiilada Ee Beesha Subeer Awal Oo Lagu Kala Kacay Iyo Waxa Uu Daarnaa!!
August 21, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa(Wajaalenews)-shir uu caawa xisbiga Kulmiye Soo agaasimay oo lagu waday inay iskugu yimaadaan xildhibaanada golaha wakiilada kaga jira beesha Subeer Awal ayaa khilaaf culus uu ka dhex curtay xiligii loo balansanaa in uu furmo ay sobobtay in uu  baaqdo.

 

Shirkan oo ujeedadiisu ahayd sidii xubnaha taabacsan murashaxa kulmiye ee beesha subeer awal  kaasi oo la doonayay in Lagu mideeyo codkooda ismarkaana  qorshaha shirku ahaa in uu kala soo qaybgalo murashaxa xisbiga kulmiye oo sida wararka Shabakada Wajaalenews ka helayso uu  shirkan  uu lahaa abaabulkiisa Murashaxa Kulmiye,

 

Shirkan oo caawa cawayskii lagu waday in uu ka dhaco huteelka maansoor ayaa noqday mid aan suurtoobin kadib markii khilaaf ka dhex istaadhmay xildhibaanada layskugu keenay madasha

xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye  oo waday sidi ay u hantiyi lahaa jagada gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada ayaa ku dhamaaday natiijo la,aan iyo aan hoolkii loogu balansanaa in lagu casheeyo aanay gabi ahaanba suurtoobin xataa gudaha In  ay galaan xildhibaanadani.  

kadib markii khilaaf buuq badan wataa ka dhashay barxada hore ee loo asteeyay shirkan iyaga oo xildhibaanadani isku maandhaafay in ay cod midaysan siiyaan xildhibaanka xisbiga Kulmiye u cumaamaday in uu noqdo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiilada Somaliland.

 

 

 breaking-news

 

 

Dhanka kale gudoomiyaha xisbiga kulmiye ayaa la sheegay in uu waji gabax kala caraabay madashan isku keenida xildhibaanada ay isku haybta yihiin oo uu doonayay in uu kursiga kuxigeenka koowad cod kaga naawilo beelaha reer awdal balse burburka shirkan ayaa noqday mid meesha ka saaraya rajadii uu ka qabay xildhibaanada beeshiisa ee golaha wakiilada ku jira.

 

Isku soo wada duuboo golaha wakiilada ayaa wali xalin  khilaafkii ka dhashay gudoomiyaha golaha wakilada halka xisbi xaakimka kulmiyna uu bilaabay ololaha kursiga gudomiye kuxigeenka koowaad.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS