Agaasimaha Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Ee Soomaaliya Oo Kormeer Ku Tagay Magaalada Lawyacado+Sawirro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Agaasimaha Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Ee Soomaaliya Oo Kormeer Ku Tagay Magaalada Lawyacado+Sawirro
April 26, 2018 - Written by Reporter:

Saylac (W,N):- Agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Jen. Maxamed Aadan Koofi ayaa oo socdaal ku jooga Dalka Jabuuti ayaa markii ugu horeysay tan iyo intii xilkaasi loo magacaabay socdaal ku yimid Magaaladda Lawya Cado ee xadka u dhaxeeya Waddamada Somaliland Iyo Djabouti.

 

Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Koofi iyo xubnaha wehelinayay ay ku sugnaayeen dhinaca xadka Djabouti ee lawya cade oo ay u muuqato dhinaca Somaliland.

 

Waxa ay soo kormeereen xarunta laanta socdaalka ee Wadanka Jabuuti ay ku leeyihiiin Magaaladda Lawya Caddo, halkaas oo ay ugu kuur galeen sida ay u shaqayso iyada oo ay warbixino kaga dhagaysteen Masuuliyiintii halkaasi ku sugnayd.

 

Agaasime Maxamed Koofi oo socdaalka uu Jabuuti ku joogaa uu qaatay dhawr maalmood ayaa sidoo kale soo kormeeray Garoonka diyaaradaha Djabouti, xarunta lagubixiyo baasaaboorada Djabouti iyo meelo kale.

 

agaasime1 agaasime2 agaasime5 agaasime3

 

COMMENTS
LINKS