Mudaharaad Ka Dhacay Degmada Lowyacado Oo Lagaga Soo Horjeedo Cashuur Lagu Kordhiyay Dadka Iskaga Talaaba Labada Dal | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mudaharaad Ka Dhacay Degmada Lowyacado Oo Lagaga Soo Horjeedo Cashuur Lagu Kordhiyay Dadka Iskaga Talaaba Labada Dal
December 19, 2013 - Written by Editor:
ma jiraan wax khasaare ah oo laga soo sheegay degaankan, jawiga ayaana ah hada mid caadi ah

Lowyacado(wajaalenews)- wararka ka imanaya magaalada Lowyacado ee xuduuda u dhaxaysa dalalka Somaliland iyo Djibouti ayaa sheegaya in halkaasi uu saaka ka dhacay mudaharaad lagaga soo horjeedo lacag la sheegay in madaxda Kastamka Lawyacado iyo Wasaarada Maaliyada ee Somaliland ay ku kordhiyey dadka sodaalaya ee isaga goosha labadaasi dal.

Qaar ka mid ah dadka ka baxay magaalada Boorama maalintii shalay oo u socday dhinaca Djibouti oo warbaahinta la soo xidhiidhay ayaa u sheegay in ay la kulmeen lacag kordhin aanay ogayn, waxana ay tilmaameen in la waydiiyay lacag dhan 26kun oo shilinka Somaliland ah oo cashuur ah, halka ay markii hore ka ahaan jiratay lacagta la qaadaa 20 kun oo shilin kaliya.

Mudaharaadkan ayaa waxa kale oo sida wararku sheegayaan ka qayb qaatay dirawaliinta iyo ganacstada leh gaadiidka xamuulka, kadib markii loo sheegay in la soo ragay in alaabaha saaran la baadho, waxana ay wararku intaas ku darayaan in xalay ay magaalada Lowyacado u hoydeen gaadiid badan oo isugu jira rakaab iyo xamaal, ka biyo diidsanaa waxa loogu yeedhay isbedela lagu sameeyey maamulkii Kastamka isla markaana wasaaradda Maaliyaddu dar-dar galinayso hawlaha cashuur Ururinta.

Ma jiraan warar ku saabsan oo ka soo baxaya dhinaca masuuliyiinta degmada Saylac, waxana ay warar laga helayo ilowareedyo ka agdhow masuuliyiinta maaliyada ee degmada Saylac ay sheegayaan in gadoodkani uu salka ku hayo hubinta cashuuraha iyo habsami u dhaqan galinta nidaamka cashuuraha oo ay rabaan waa sida ay hadalka u dhigeene inay dirawaliinta iyo dadka safarka ahiba musuqmaasuqaan.

Si kastaba ha ahaatee ma jiraan wax khasaare ah oo laga soo sheegay degaankan, jawiga ayaana ah hada mid caadi ah, waloow ay wali cakiran tahay xaalada iskaga gooshka labada dal, ilaa hadana aanay waxba iska bedelin waanwaana aanan laga galin soo afjarka arintani

 

wajaalenews desk

hargeisa office

COMMENTS
LINKS