Nin xabsi ku muteystay funaanadda xulka kubadda cagta ee Qadar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nin xabsi ku muteystay funaanadda xulka kubadda cagta ee Qadar
February 6, 2019 - Written by Reporter:

Nin u dhashay dalka Britain ayaa lagu xidhay dalka Imaaratka Carabta kaddib markii la weeraray isaga oo xidhan Funaanadda ay ku ciyaraan xulka kubadda cagta dalka Qadar xillli ay socotay cayaar.

Cali Ciise Axmed oo 26 jir ah oo kasoo jeeda magalaada Wolverhampton ayaa lagu soo warramaya in uusan ka war heyn ‘sharciga dalka Imaaraatka ee ka dhanka ah dadka tageera Qadar xilli xiisad diblumaasiyadeed ee ka dhex taagan tahay labada dal.

Saaxibada ninkan waxay sheegeen in booliska ay qabteen markii uu ku wargeliyay inay weerareen kooxo ka cadheysneyd Funaanadda xulka kubadda cagta Qadar oo uu xidhnaa..

Dhanka kale, safaaradda Imraatka Carabta uu ku leeyahay Ingriiska ayaa sheegtay in Cali Axmed loo heysto sameynta dokomentiyo been abuur ah iyo inuu wakhtiga ka lumiyay booliska.

COMMENTS
LINKS